Bari iyo Sanaag oo sheegay inay ku soo dhaweynayaan alshabab
Posted: Sun Jan 03, 2010 2:40 pm
http://www.dayniile.com/Janaury2010/03Janaury7.htmWaxaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayey deegaanada Boosaaso iyo Buuraha Sanaag kulamo iyo wadatashiyo looga arinsanayey sidii laga yeeli lahaa aayaha Mustaqbalka Gobolada Sanaag iyo Bari oo ah meelo istaratiiji u ah Kooxaha Diinta Soomaaliya inta badan ka taliya.
Beelaha oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka Puntland waxa ay sheegeen oo shaaca ka qaadeen in ay ku soo dhawynayaan Xarakada Al-Shabaab Gobolada Sanaag iyo Bari oo ay la garab istagayaan hiil iyo Taageero balaaran oo dhan walba ah. Beelaha deegaanada Bari iyo Sanaag waxa cuqaashooda, Culimaa'udiinka iyo waxgaradkooda go'aan ku gaareen in la raaco Xarakada Al-Shabaab.
Dowladda Puntland waxaa soo wajahaya in aanay taageero buuxda ka haysan Beelaha Bari iyo Gobolka Sanaag, waxaana jira dhowr arrimood oo la isku hayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Habka Xukunka loo wadaago, Dhaqaalaha oo Gacmo gaar ah maamushaan iyo dhinaca Khayraadka oo shirkaddo si gaar ah heshiisyo ula galeen Madaxweynihii hore Cadde Muuse iyo Madaxweynaha hadda Xukunka haya C/raxmaan Faroole loo fasaxay baarista iyo gurashada khayraadka ummadda Puntland wadaagto, waxa ay markaas Beelaha goboladaas garwaaqsadeen in ay gacan taageero ah oo ay ku soo dhaweynayaan Deegaanadooda Xarakada Al-Shabaab u fidiyeen.
Deegaanada Bari iyo Sanaag waxa ka socda hadda abaabulo hoose oo looga bilaabayo gudaha Dagaalka si loo wiiqo awooda Kooxda Xukunka Haysa Puntland, waxana jira qoorshayaal caalami ah oo isku xiran Gobolada Dalka Soomaaliya.