Habarjeclo expanding further into eastern sool
Posted: Tue Jan 05, 2010 3:07 pm
Cali Maraykan Oo Ka Digay Khataro Badan Oo Shirka Holhol Iyo Deegaanka SSC Ku Soo Foole.
Written by Jidbaale.com
Tuesday, 05 January 2010 08:10
Garoowe(Jidbaale.com):-Afhayeenka waxgaradka SSC ee ku sugan Magalada Garoowe Cali Cilmi (Cali Maraykan) ayaa ka digay khataro badan oo ku soo foole Shirka Holhol iyo Deegaanka SSC ee Nugaasha xilligan.
Cali Maraykan waxa uu sheegay isaga oo u waramaya saxaafadda in shirka Holhol durtaba ay bilaamatay faro galin ay ku wadaan labada maamul ee Hargeysa iyo Garoowe iyada oo ay hanjabaado ka soo baxeen ayuu yidhi dhinaca Hargeysa, sheegay in aan shirka lagu qaban Karin Holhol, oo ay isu diyaarinayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in shir halkaas laguq abto.
Waxa kale oo uu sheegay in Maamulka Garoowe uu wado qorshe shirka loogu soo raro Garoowe kaas oo durtaba laga dareemi karo olole laga wado magaalada Garoowe iyada oo Holhol lagu tilmaamyo goob khatar ah, wuxuuna ugu baaqay Madax dhaqameedka kala ah Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Abshir Saalax iyo , Garaad Cali Buraale in aanay ku hakan magaalada Garoowe ee ay ku sugaan shirka deegaanada SSC, wuxuuna intaasi ku daray in Garoowe haddii lagu hakado khatar weyni ka imaan karto.
Dhinaca kale Cali Wuxuu ka digay khatar ku soo foole deegaanka Nugaasha iyada oo ay muddooyinkan danbe aad ugu soo hayaameen beelaha Burco reer miyigoodu iyaga oo soo gaadhay hadda Taleex iyo Tukaraq, wuxuuna sheegay in aysan ahayn reer guuraa abaari wado ee ay yihiin reer miyi dugsanaya Ciidan xoogbadan oo aan marti deegaankaas ku ahayn ee u arka dal la helay, wuxuuna ugu baaqay bulshada SSC in fadhiga laga kaco isaga oo sheegay in shacabka Gobolada Waqooyi Bari taageersan yihiin talaabo kasta oo ay qaadaan shacabka SSC.
Cali Maraykan waxa uu sheegay in shacabka SSC aanay ka sugin Garoowe iyo madaxda ka tirsan maamulkaasi wax talaabo ah oo ay qaadaan , isaga oo sheegay in ay la kulmaan hanjabaado iyo caga juglayn dad badan oo marka ay xaaladda khatarta ah ka hadlaanba la kulmo talaabooyin noocan oo kale ah, wuxuuna tilmaamay in aanay jirin cid ka danqanaysa dalka maqan iyo dadka barakacay, ugu danbayntii waxa uu Cali sheegay in shirka madax dhaqameedku yahay talaabo aad logu baahan yahay, ayna tahay rajo wax looga qaban karo duruufaha adag ee maanta taagan, oo looga bixi karo wada tashi iyo iskaashi.
Hadalkan Cali Maraykan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli la hadal hayo in Garaadada ku sugan dibada qaarkood ay danaynayaan in shirka lagu qabto Magaalada Garoowe iyada oo sida la sheegayo ay Garaad Abshir Iyo Garaad Cali Buraale arrintaas aad ugu guuxeen , halka Garaad Jaamac uu qabo in aan Garoowe shirka lagu qaban ee deegaanka SSC goob ka mid ah lagu qabto.
Jidbaale.com
jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Garoowe
Last Updated on Tuesday, 05 January 2010 08:20