Marxuun Fagadhe oo Maanta galinkii danbe lagu aasay Hargaysa
Written by Qarannews
Jan 06, 2010 at 10:10 AM
Hargaysa,(Qarannews)- Waxa maanta lagu aasay magaalada Hargaysa Ilahay ha u naxariistee wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalka Faransiiska oo toban cisho ka hor ku geeriyooday magaalada Paris ee dalkaasi, marxuun Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe ayaa maanta maydkiisa la keenay dalka kadib markii ay xukumada Somaliland xagaasi ka soo qaaday.
Hadaba marxuunka oo maanta galinkii danbe loo sameeyay aas qaran ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan masuuliyiinta xukumada, siiba golaha wasiirada oo uu horkacaayay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Axmed Yusuf Yaasin.
Dhanka kalena waxa ka soo qayb galay Xisbiyada Mucaaridka golyaasha qarnka iyo dadweyne aad u tiro badan oo kala gadisan oo ay ka mid ahaayeen culimo awdiin, dhalinyaro iyo wayeel aad u tiro badan.
Mar aanu wax ka waydiinay wasiir ku xigeenka arimaha dibada oo ku sugnaa goobta aaska ayaa maanta aaskani ku tilmaamay in uu ahaa mid qaran oo aan loo kala hadhin oo laga kala yimid dhamaan gobolada dalka iyo dibadaba, mudane Axmed Adan Ismail, waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday marxuunka oo uu ku tilmaamay in uu ahaa halyay qaran oo dhamaanteen inaga wada baxay.
Waxa uu ku simaha wasiirka arimaha dibada isla markaasna ah wasiir ku xigeenka arimaha dibadu uu u mahad naqaya madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxana uu sheegay in mudane Axmed Adan Ismaciil in uu madaxweynahu uu gacan xoogan ka gaystay soo qaadista maydka iyada oo diyaarad khaas ah lagu soo qaaday maydka marxuunka kadib markii la waayay diyaarad ku soo beegan magaalada Hargaysa xiligii Jabuuti maydka laga soo qaadaayay.
Waxa iyana uu u mahadnaqay gudidii qaban qaabada aaska oo uu ku tilmaamay qaar aad iyo aad uga qayb qaatay in uu maanta aaskani qabsoomo, waxa kale oo uu u mahadnaqay waiirka duulista iyo hawada, ciidnaka booliska, iyo kuwa nabadgalayada wadooyinka oo kala hagaayay baabuurtii faraha badnayd ee maanta ka qayb qaadanaayay aaska iyo soo qaadista maydka.
Marxuunka oo maanta galinkii danbe lagu aasay xabaalaha Boqol jire waxa goobtaasi ka hadlay madaxdii kala gadisnayd ee goobtaasi ka soo qayb galay.
Source Qarannews
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
Marxuun Fagadhe oo Maanta galinkii danbe lagu aasay Hargaysa
Moderator: Moderators
-
Siigodheer
- Posts: 32
- Joined: Wed Dec 30, 2009 12:20 pm
- Keyse_0208
- SomaliNet Super

- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32786
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Marxuun Fagadhe oo Maanta galinkii danbe lagu aasay Hargaysa
he was indeed a great man nin mujaheed ah snm ah ilahay ha u naxaristo
- Gaashaanle_87
- SomaliNetizen

- Posts: 926
- Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
- Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(
- salafi_student
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2223
- Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
- Location: If you would only listen, I can educate you!
Re: Marxuun Fagadhe oo Maanta galinkii danbe lagu aasay Hargaysa
Waste of money, putting a dead man on a plane and bringing back his lifeless body 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 724 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 5 Replies
- 1623 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 32 Replies
- 1857 Views
-
Last post by kadarre
-
- 0 Replies
- 4425 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 4 Replies
- 957 Views
-
Last post by udun
-
- 1 Replies
- 781 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 0 Replies
- 399 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 27 Replies
- 1251 Views
-
Last post by Cusmano
-
- 5 Replies
- 624 Views
-
Last post by HaragWafi85
-
- 1 Replies
- 511 Views
-
Last post by Cali_Gaab