Wafti Wasiiro Somaliland ah oo u Ambo Baxay Jabuuti

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

L@fweyne
Posts: 70
Joined: Thu Dec 24, 2009 9:38 pm

Wafti Wasiiro Somaliland ah oo u Ambo Baxay Jabuuti

Post by L@fweyne »

Wafti Wasiiro Somaliland ah oo u Ambo Baxay Jabuuti


Wafti ka kooban Seddex Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Soamliland ayaa socdaal ugu ambo baxay Dalka Jabuuti .

Waftigan oo uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa galabta socdaal ku tagay dalka Jabuuti, ka dib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Weftigan oo socdaalkoodu qaadan doono muddo saddex cisho ah, waxa xubno ka ah Wasiirka Hidaha iyo dhaqanka Somaliland Md. C/Risaaq Waabari Rooble iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Md. Cali Cilmi Geelle.

Lama oga Waxyaalaha ay ka wada hadli doonan Waftiga Somaliland iyo Madaxda Jabouti balse waxa jiray Guddi Wasiiro ah oo laabada Dhinac Somaliland iyo Jabuuti u Xilsaarayn ka shaqaynta Xidhiidhka labada dhinac ee Siyaasada iyo Dhaqaalaha


Maroodijeexnews
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”