Ceerigaabo (HWN) Magaalada Gudmo biyocas ayaa in mudo ahba waxaa ku sii qul qulaayey wufuud far-badab oo ka imanaayey Daafaha gobolka Sanaag, isuguna jirtey madax dhaqameedyada qaybaheeda kala duwan sida Boqorada Salaadiinta, Cuqaasha ,guurtida wax garadka gobolka sanaag iyo aqoonyahano far badan oo kale, si ay uga qayb galaan munaasibada lagu Caleema saarayo Suldaan Ibaraahin Cige Ismaaciil .
Hadaba maalintii Arbacadii oo ahayd 6/1/2010 ayaa munaasibad si heer-sare ah loo soo agaasimey lagu qabtay Beerta Dalxiiska ee Magaalada Gudmo biyocas .
Soo dhawayntii suldaanka madasha xafladu ka dhacaysey ayaa waxaa soo galbiyey dad wayne far badan oo isujira Boqoro , Suldaano , Cuqaal aqoon yahano far badan iyo dadwayne aan lakoobi karayn tiradooda , iyagoo lug iyo baabuurba ku maraayey suuqa , magaalada koonaheeda ilaa madashii xafladana dad ayaa tubnaa wadada labadeeda dhinac kuna dhawaaqaayey erayo badan oo ay ka muuqatey farxad iyo rayn rayn aad u qiiro badan .
Madasha loogu tala galay munaasibadan oo lagu qurxiyey waxyaabo hido ay ulahayd dadka reer somaliland gaar ahaan dadka degaankan degga gudmo biyo cas kana mid ah wax soo saarkeeda , sida
Cawsas Kebdo Laydiyo Deremooyin Saliyo Dhiilo caano ah , waxyaabahaas iyo madasha oo layaab lahayd quruxda iyo hanaanka aan lays arkayn Dhirta uu Ilaahay meeshaas ku qoofalay awgeed iyo Biyaha Dhex qulqulaaya ayaa dad badan oo aan weligood il ka qaadin Gudmo maqli jirey uun layaab ku noqotay .
Sacabka iyo damaashaadkii kadib xafladii ayaa si toos ah ubbilaabantay , Maayarkii Magaalada Mudane Saalax Axmed Madoobe ayaa warbaahinta lagu soo wareejiyey , maayarkii ayaa hadlo kooban ka jeediyey halkaas oo isugu jira soo dhowayn mahad naq iyo ducoba .
Aqoon yahan Saalax Xaaji Xasan oo ah oday sharci yaqaan iyo waxgarbka dalka ayaa ka waramay taariikhda Suldaanka isagoo sheegay in uu Suldaanku yahay nin aqoon yahan Shiikh ah, iyo nin ganacsiga soo maray oo aqoon dheeraad ah uleh howshan loo igmaday ee Suldaanka , taasina ay cadaynaynsaa sida uu umada ugu hogaaminaayo wixii wanaagsan ee dhaqanka iyo diinta ku salaysan ee horuumar iyo khayr ah.
intaas kadibna Jiif caaqi Maxamed Cismaan Liibaan ayaa warbaahinta lagu wareejiey jiifka oo ka mid ah Cuqaasha Beesha Caleema saaraysa Suldanka ayaa sheegay in ay beeshu isku raacday in ay ka dhigtaan Sulaan Ibraahin Cige Ismaaciil .
Kadibna Cuqaashii beesha Muuse Abokor ee gobolka Sanaag intii joogey madasha iyo kuwii maqnaa oo wakiilo ay ka joogeen oo dhan ayaa Saaray Suldaanka Cimaamadii iyo koofiyadii oo Iswata , waxayna sheegeen in ay sidaas saldanadii ku saareen suldaankan cusub.
Jiif Caaqil Maxamed Cabdi soofe ayaa isana lagu soo dhoweeyey warbaahinta , oo halkaas ka sheegay hadlo badan oo isugu jira hanbalyo iyo soo dhowayn ay beeshiisu ku soo dhowaynayso suldaanka cusub , ayna garab taagan yihiin haday yihiin cuqaasha kale , ee degaankan ,uuna maanta laga bilaabo ka mid yahay suldaankanu salaadiinta iyo Sama taliska Dalkan.
Madashaas waxaa ka hadlay Cuqaal aad urito badan oo aan lasoo koobi karayn, hadii aan ugalo dhinaca Boqorada waxaa goobtaas ku sugnaa Boqor Maxamed Nuux Aadan oo lagu soo dhoweeyey madasha iyo xidhiidhka warbaahinta , ayaa soo jeediyey khudba layaable oo taabanaysa dhinacwalba , sheegayna in ay maanta ugu horaysey ee uu aan arko degaankan taasina waxay ii tahay fursad qaali ah , waan layaab meeshan sidan ay isku yihiin biyaha iyo dhirta hadhka beeraha iyo nimcad taal , boqorku isagoo hadlkiisii sii wara ayuu yidhi suldaanka aynu maanta caleema sarayno waxaa laydiinka baahan yahay in aydin adeecdaan oo maqashaan , si uu waajibaadkiisa uguto.
Madashaas waxaa isana ku sugnaa suldaan Cali Yuusud Saalax ayaa isana lagu soo dhoweeyey mingiri foonka , Suldaanku waxa uu soo jediyey khudbad dheer , oo uu ku soo dhowaynaayo suldanka cusub , una sheegay suldaanka in ay ka hor imanayaan caqabado badani loona baahan yahay in uu usamro .
Munaasibadan waxaa isana ku sugnaa Boqor Axmed Cali Ducaale ayaan isna lagu soo dhoweeyey, warbaahinta Boqor Axmed ayaa khudbado layaable ka sii daayey madashaa khudbadaas oo ahaa kuwo ay waayo aragnimo ku dheehan tahay , marka laga waramayo dhanka max dhaqameedka , waana ka mid ahaa, in dadkan hadeer kuu sacabaynaa ay kaa soo hor jeesan doonaan, marka ay kaa waayaan waxaa ay doonayaan oo beri qar kugu mucaaradaayo , loona baahan yahay dulqaad dheeraad ah Boqorku waa uu sheegay in laydiinka baahan yahay sidii aydin u xoolayn lahaydeen Suldaan.
Waakiilka Boqor Buur Madow Iimaan Hirad ayaa isana lagu soo dhoweeyey mingiri foonka , halkaasna ka shegay sida uga mahad naqayaan dhamaan cid kastoo ka qayb qaadatay , isku durba ridkana, ayana taageer sanyihiin, lana garabjoogaan Hiil iyo hooba Suldaanka Cusub ,
Iyadoo ay jireen dad madax dhaqameed aad utiro badan oo aanna hadalkoodii halkan ku soo koobi karayn ayna sheegeen in ay diyaar uyihiin in ay xoolaeeyaan Suldaanka isna garbtaagaan, bal aanu xusno magacyadoodii ,
1. jiif caaq xasan Cabsiiye
2. jjiif caaqil Xasan Faarax Godone
3. Jiif Caaqil Cali
4. Caaqil Xuseen Faarax Dheglaawe
5. Caaqli Axmed Saalax Madaxey
6. Waliil Caaqil Maxamuud Maxamed Ciise
7. wakiil Caaqil Saciid Cismaan
8. wakiil J C Saciid Hilaac
9. wakiil caaqil Faarax Maxamed
10. Caaqil Cali Maxamud
ugu danbayntii waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Suldaankii lacaleema saaraayey Suldan Ibraahin Cige Ismaaciil , suldanaka oo soo jeediyey khudbado layaable , oo ay ka mid ahay mahad naq balaadhan oo uu usoo jeediyey cid kastoo ka soo qayb gashaqy madasha iyo dadkii soo gaashi waayey ee jeclaa in ay yimaadaan, goobteer ee jaanisku usaamixi waayey, suldaanku waxa uu sheegay maanta laga bilaabo in uu umada u yahay Suldaan dhaqameed , ee aan loogu soo hagaagi doonin, siyaarad iyo wixii lamid ah , uu dhex uyahay Cid walba sid Axsaabta iyo Beelahaba.
Suldaanaka oo khudbadiisii ku soo xidhay duco aad udheer oo uu dalka iyo dadkaba in uu ilaahay barwaaqeeyo oo naxariistiisa ku waraabiyo.
Cumar Siciid Nuur
Hadhwanaagnews.com/office
Ceerigaabo/Somaliland
Tell: 00252-2-4201763