
(Allkheyraad) :-M/weynahii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa shalay kula kulmay Qasriga Al-Dhayt Amiirka iska leh Dhaxaltooyada Imaarada Ras-Al-Khayma isla markaana ah ku xigeenaka Xaakimka Ras-Al-Khayma ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ee Midoobay Shiikh Sacuud Bin Saqar Al-Qaasimi.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa La Taliyaha M/Weynaha Imaarada Ras-Al Khayma Shiiikh Cabdil-Malk Bin Kaayid Al-Qaasimi.
M/weynahii Hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa mudooyinkanba Safaro ku marayay qaar ka mid ah Yurub & Khaliijka isagoo sidoo la kulmayay dad masuuliyiin ah.