Silaanyo Meets with Congressmen Donald Payne pics

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Silaanyo Meets with Congressmen Donald Payne pics

Post by The_Emperior5 »

Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo hadda booqosho rasmi ah ku jooga dalka Maraykanka ayaa maanta kulammo la yeeshay Guddoomyaha Guddiga Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Kulanka Congressman Donald Payne, oo ah mudane awood wayn ku leh siyaasad dibaddeedka Afrika ee maamulka madaxwayne Obaama, ayaa wuxuu ka dhacay xarunta Baarlamaanka Marakanka ee loo yaqaano Capitol Hill ee magaalda Washington, halka kulanka masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibaddu iyo waftiga KULMIYE uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Arrimaha ay ka wada hadleen waftiga Guddoomiyaha KULMIYE iyo masuuliyiinta Maraykanku waxay ahayeen kuwa ka turjumaya xidhiidhka iyo danaha aasaasiga ee labad geesood iyo barnaamijyada iskaashi ee ay Somaliland iyo Maraykanku kawada shaqeeyaan.

Qodobadii shirka lagu soo qaaday waxaa ugu waawaynaa dhawr arrimood. Waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka madaxtooyada Somaliland oo ay labada geesood tilmaameen in loo baahan yahay in doorashada aanay mar denbe dib u dhicin, dhamaan qaybaha siyaasadda ee Somalilandna ay kawada shaqeeyaan sidii ay doorasho xor ah oo xalaali uga dhici lahayd Somaliland. Waxay kaloo werwer ka muujiyeen degenaansho darada ku soo korodhay Golaha Guurtida ee Somaliland oo loo arkay inay keeni karto inuu heshiiskii seddexda xisbi ee ku jahaysnaa doorashu burburo, taasi u horseedi karta dalka khalkhal siyaasadeed oo cusub.

Waxay kaloo kawada hadleen khataraha xagga nabadgalyada ee ku soo kordhaya mandaqada Geeska Afrika. Wuxuu Guddoomiye Axmed Silaanyo tilmaamay in shacabka Somaliland ay hawl adag iyo tacab badan u soo galeen nabadgalyada ka jirta Somaliland, loona baahan yahay in dawladda Maraykanku ay gacan wayn ka gaysato difaacidda iyo sugidda amaanka Somaliland. Waxayna masuuliyiinta Maraykanku sheegeen in ay Somaliland ka taageerayaan kor u qaadidda tayada garsoorka iyo kobcinta fursadaha waxbarashada iyo dhaqaalaha dalka, laakiin loo baahan yahay in Somaliland la timaado maamul dawladeed hufan.

Waxaa iyana ka mid ahaa arrimaha ay labada geesood lafagureen kaalmada xagga hurumarka ee dawladda Maraykanku siiso Somaliland. Wuxuu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Siilaanyo, ka codsaday dalka Maraykanku inuu kordhiyo gargaarka hurumarineed ee ay u fidayaan Somaliland si wax looga qabto adeegyada aasaasiga ee dalka sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha. Waxaa kaloo Axmed Siilaanyo uu waydiistay dawladda Maraykanka inay ka caawiso Somaliland sidii dalku u yeelan lahaa wadooyin isku xidha magaalooyinka waawayn ee dalka.

Ugu denbayntii waxay dawladda Maraykanku u diyaarisay shir wayn oo Guddoomiye Axmed Silanyo iyo Dr. Maxamed Cabdillahi oo kaga xogwarami doona xaaladda Somaliland soona bandhigi doonaan barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE uu ku hogaamin doono dalka haddii ay talada dalka ku guulaystaan. oo dhici doona maalinta khamiista ah. Waxaan ka soo qayb geli doona shirka masuulyiin ka socda qaybaha kala geddisan ee dawladda Maraykanka sida Wasarradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Mucaawinada Dibadda, Wasaaradda Difaaca hay’adaha fidinta dimuqraadiyada ee Maraykanka , warfidiyeeno iyo shaciyaqaano caalami ah. Waxa shirkaas isugu iman doona dad tiradoodu aad u badan tahay.


Image

Image

[imghttp://farm3.static.flickr.com/2737/4273214457_c39038679c.jpg][/img]

Image
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Silaanyo Meets with Congressmen Donald Payne pics

Post by The_Emperior5 »

wke
Nomad
Member: 11393

Rate Member posted January 14, 2010 09:49 AM
--------------------------------------------------------------------------------
Those pictures look fake. Cut and Paste Job!!!

Loooool Cusmano said this :lol: :lol: :lol:
User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: Silaanyo Meets with Congressmen Donald Payne pics

Post by Blue_609 »

i see only one flag ..

what happened to the other one :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”