Presidential candidate meets With Donald Payne.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by The_Emperior5 »

Axmed Siilaanyo oo la kulmay Mudane Donald Payne
January 14th, 2010 Comments Off

Guddoomiye Axmed Siilaanyo oo la kulmay Mudane Donald Payne iyo madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka

(Washington DC, Somaliland.ORg) Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo hadda booqosho rasmi ah ku jooga dalka Maraykanka ayaa maanta kulammo la yeeshay Guddoomyaha Guddiga Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Image

Kulanka Congressman Donald Payne, oo ah mudane awood wayn ku leh siyaasad dibaddeedka Afrika ee maamulka madaxwayne Obaama, ayaa wuxuu ka dhacay xarunta Baarlamaanka Marakanka ee loo yaqaano Capitol Hill ee magaalda Washington, halka kulanka masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibaddu iyo waftiga KULMIYE uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Arrimaha ay ka wada hadleen waftiga Guddoomiyaha KULMIYE iyo masuuliyiinta Maraykanku waxay ahayeen kuwa ka turjumaya xidhiidhka iyo danaha aasaasiga ee labad geesood iyo barnaamijyada iskaashi ee ay Somaliland iyo Maraykanku kawada shaqeeyaan.

Image

Qodobadii shirka lagu soo qaaday waxaa ugu waawaynaa dhawr arrimood. Waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka madaxtooyada Somaliland oo ay labada geesood tilmaameen in loo baahan yahay in doorashada aanay mar denbe dib u dhicin, dhamaan qaybaha siyaasadda ee Somalilandna ay kawada shaqeeyaan sidii ay doorasho xor ah oo xalaali uga dhici lahayd Somaliland. Waxay kaloo werwer ka muujiyeen degenaansho darada ku soo korodhay Golaha Guurtida ee Somaliland oo loo arkay inay keeni karto inuu heshiiskii seddexda xisbi ee ku jahaysnaa doorashu burburo, taasi u horseedi karta dalka khalkhal siyaasadeed oo cusub.

Image

Waxay kaloo kawada hadleen khataraha xagga nabadgalyada ee ku soo kordhaya mandaqada Geeska Afrika. Wuxuu Guddoomiye Axmed Silaanyo tilmaamay in shacabka Somaliland ay hawl adag iyo tacab badan u soo galeen nabadgalyada ka jirta Somaliland, loona baahan yahay in dawladda Maraykanku ay gacan wayn ka gaysato difaacidda iyo sugidda amaanka Somaliland. Waxayna masuuliyiinta Maraykanku sheegeen in ay Somaliland ka taageerayaan kor u qaadidda tayada garsoorka iyo kobcinta fursadaha waxbarashada iyo dhaqaalaha dalka, laakiin loo baahan yahay in Somaliland la timaado maamul dawladeed hufan.

Waxaa iyana ka mid ahaa arrimaha ay labada geesood lafagureen kaalmada xagga hurumarka ee dawladda Maraykanku siiso Somaliland. Wuxuu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Siilaanyo, ka codsaday dalka Maraykanku inuu kordhiyo gargaarka hurumarineed ee ay u fidayaan Somaliland si wax looga qabto adeegyada aasaasiga ee dalka sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha. Waxaa kaloo Axmed Siilaanyo uu waydiistay dawladda Maraykanka inay ka caawiso Somaliland sidii dalku u yeelan lahaa wadooyin isku xidha magaalooyinka waawayn ee dalka.

Ugu denbayntii waxay dawladda Maraykanku u diyaarisay shir wayn oo Guddoomiye Axmed Silanyo iyo Dr. Maxamed Cabdillahi oo kaga xogwarami doona xaaladda Somaliland soona bandhigi doonaan barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE uu ku hogaamin doono dalka haddii ay talada dalka ku guulaystaan, oo dhici doona maalinta khamiista ah. Waxaan ka soo qayb geli doona shirka masuulyiin ka socda qaybaha kala geddisan ee dawladda Maraykanka sida Wasarradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Mucaawinada Dibadda, Wasaaradda Difaaca hay’adaha fidinta dimuqraadiyada ee Maraykanka , warfidiyeeno iyo shaciyaqaano caalami ah. Waxa shirkaas isugu iman doona dad tiradoodu aad u badan tahay.

Washington DC, USA

Somaliland.ORg
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by AbdiWahab252 »

Smart move by Si.ilanyo unlike the Somaliland Foreign Minister guy :lol:
User avatar
FAH1223
webmaster
Posts: 33838
Joined: Mon Oct 02, 2006 12:31 pm
Location: THE MOST POWERFUL CITY IN THE WORLD
Contact:

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by FAH1223 »

There is never going to be an election
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by The_Emperior5 »

FAH1223 wrote:There is never going to be an election

There will be , its just going to take time thats all.
User avatar
Mad May
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2301
Joined: Sat Oct 03, 2009 10:43 am
Location: http://www.somalinet.com/forums/viewtop ... 5&t=246822

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by Mad May »

Tiny head, big body :!:
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by Diyeeshaha_Tolka »

Emperror,,adiga yaad u codaynaysaa xisbiga H-awal,,xisbiga H-jeclo, xisbiga garxajiska
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by The_Emperior5 »

AbdiWahab252 wrote:Smart move by Si.ilanyo unlike the Somaliland Foreign Minister guy :lol:
Well I agree with the Somaliland foreign minister not to attend that briefing concerning Somalia, Somaliland does not hold meetings with Somalia’s leaders , that’s out of the question.

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by AhlulbaytSoldier »

Image
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by The_Emperior5 »

Diyeeshaha_Tolka wrote:Emperror,,adiga yaad u codaynaysaa xisbiga H-awal,,xisbiga H-jeclo, xisbiga garxajiska
waxaas waxba kama jiraan sxb Xisbiyo qabili ma jiraan asxaabtu wa wadda asxaab qarran oo shacabka somalilan doo dhan ka dhexeya. :mrgreen:

HutuKing01 wrote:Image

i saw it the other day :lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by Diyeeshaha_Tolka »

The_Emperior5 wrote:
Diyeeshaha_Tolka wrote:Emperror,,adiga yaad u codaynaysaa xisbiga H-awal,,xisbiga H-jeclo, xisbiga garxajiska
waxaas waxba kama jiraan sxb Xisbiyo qabili ma jiraan asxaabtu wa wadda asxaab qarran oo shacabka somalilan doo dhan ka dhexeya. :mrgreen:

sedexdooda keed u codeynsaa waa les wada yaqanaa sxb nafta been ha u sheegin,
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by The_Emperior5 »

sxb anigu Xisbiga Kulmiye Baan u codeynaya i have seen 7 years of udub. :up:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by AhlulbaytSoldier »

Emp,you should have chosen this title: Siilanyo meets with Donald Payne.
Everytime i hear his name,i cant prefend from laughing :mrgreen:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by The_Emperior5 »

HutuKing01 wrote:Emp,you should have chosen this title: Siilanyo meets with Donald Payne.
Everytime i hear his name,i cant prefend from laughing :mrgreen:

I choose this title because if they saw silanyo or somaliland mods will move it u know :mrgreen:
Why do u laugh at Silanyos Name?
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Presidential candidate meets With Donald Payne.

Post by AhlulbaytSoldier »

Its because of the first four letters.
I read it like this: ceeb-anyo. But the correct reading is ofcourse sii-laanyo
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”