Degmada Iskushuban oo halkaas laga bilaabayo Shidaal Qodis!!

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Afri_Somali
Posts: 139
Joined: Sat May 02, 2009 8:29 am

Degmada Iskushuban oo halkaas laga bilaabayo Shidaal Qodis!!

Post by Afri_Somali »

Gudoomiyaha degmada IskuShuban ee ka tirsan gobolka Bari oo wareysi khaas ah siiyey Horseed Media ayaa sheegay in dhowaan degmadaas laga bilaabi doono Shidaal Baaris.

Md.Cabdirisaaq Muuse Cartan oo ah Gudoomiyaha degmada IskuShuban ayaa sheegay in dhowaan lagu wado Shirkada Shidaal baarta ay si toos ah degmada iyo meelo ku dhow ay ka bilaabaan Macdan baarista.

Waxaana u tibaaxay in maamulka degmada iyo weliba shacabka halkaas ay iminka isugu diyaarinayaan in ay soo dhoweeyaan Shirkada isla markaana ay la shaqeeyaan, waxaana uu sheegay in shacabka ku nool halkaas ay jecelyihin in ay horumar gaaran.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in inta u dhaxeysa bishaan 20-ila iyo 30-keedi lagu wado in si rasmi ah ay howlaha macdan baarista halkaas ay halkaas ka bilawdaan.
Mar uu ka hadlaayey arrimaha amaanka ee degmadaas, waxaa uu sheegay in xaalada amni ee halkaas ay aad u wanaagsantahay, wuxuuna Guddoomiyaha intaasi ku daray in hadii ay yihiin maamulka degmadaas ay u diyaar garoobeen in ay ka qayb qaataan ilaalinta amaanka Shirkada.

Waxaa u sidoo kale sheegay in Shacabka ku dhaqan IskuShubaan ay rajo wanaagsan u tahay imaatinka Shirkadaas, waxaana u arintaas u sababeeyey in ay Shirkada ka helin doonaan Shaqooyin oo ay ku maareyaan noloshooda.
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Degmada Iskushuban oo halkaas laga bilaabayo Shidaal Qodis!!

Post by sheekh-Farax-zero »

ImageImageImageImage

ImageImageImageImage

ImageImageImageImage

ImageImageImageImage
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”