Somali clerics VS yemeni Clerics

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Amirsade
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1176
Joined: Wed Jan 14, 2009 6:47 am
Location: Villa Ruugcadagii kala Rogaha Raasmaalka

Somali clerics VS yemeni Clerics

Post by Amirsade »

Inkabadan boqol caalim oo yamaniyiin ah oo ku xeel dheer diinta islaamka ayaa ku baaqey dagaal jihaad ah hadii ciidamado shisheeye la geeyo gudaha dalka yemen.

Bayaan ay kasoo saareen magaalada sanca ee xarunta dalka yemen ayaa inkabadan 150 caalim ah oo ku xeel dheer diinta islaamka waxey iclaamiyeen dagaal jihaad ah in lala galo hadii ciidamo shisheeye ay yimaadaan gudaha dalkaasi waxaana ka mid ah dadkii saxiixey bayaankaasi Dr sheekh c/dul majiid Alzandaani.


Xubin ka tirsan barlamaanka dalka yemen oo lagu magacaabo sheekh Caarif Alsabri ayaa saxafiyiinta hortooda ka akhriyey bayaanka kasoo baxey culimada dalka yemen wuxuuna xusey inay kasoo horjeedaan ciidamo kasta o o shisheeye oo la keenayo gudaha dhulka yemen isagoo ugu baaqey guud ahaan Urarada iyo Hey’adaha islaamiga ah inay mowqif mideysan ka qaataan hagar daamooyinka lala damacsan yahey shacbiga dalka yemen.


Bayaankan kasoo baxey culimada dalka yemen ayaa kusoo aadaya xili dowladaha reer galbeedka ay ka digeen in dagaal yahanada shabakadda Alqaacidda ay kusii xoogeystaan gobolada kala duwan ee dalka yemen iyadoo mareykanka uu horey usheegey in dalkaasi uu udirayo ciidamado tababarayaal ah oo gacan siinaya ciidamada meliteriga dalka yemen.


Xubin ka tirsan golaha Congereska ee dalka mareykanka oo lagu magacaabo Jozef Liberman ayaa isna horey u sheegey in mareykanka ay waajib ku tahey in dabo ku sameeyo dagaal yahanada Alqaacidda ee saldhigyada ku leh gobolada koonfureed ee dalkaasi waana arinta hadda keentey in culimada dalka yemen ay ku baaqaan jihaad ka dhan ah wadamada reer galbeedka hadii ay ciidamo usoo diraan dalka yemen.

xisgasho Radioalfurqaan
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”