19. januar 2010



Bosaso(AllPuntland)- Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Isimada ugu magaca dheer Puntland, ahna Garaadka guud ee Isimada gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa soo gaaray deegaanada Puntland ee Soomaaliya, markii uu bilihii ugu dambeeyey ku maqnaa dibada Puntland.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ay dad badan ku soo dhaweeyeen garoonka magaalada Boosaaso, ayaa la kulmay Isimada gobalka Bari qaarkood oo ay ka wada hadleen xaaladaha ka taagan Puntland iyo arrimaha Sool, Sanaag iyo Cayn.
Garaad Jaamac imaanshihiisa Puntland ayaa meesha ka saaray hadalo ay bilihii ugu dambeeyey qoreen qaar kamid ah Warbaahinta oo ay sheegeen in ay dawladda Puntland udiiday Puntland in ay yimaadaan dadkii ka qeybgalay shirkii magaalada Nayrobi, taasoo beenowday markii ay Puntland soo gaareen Isimadii ka qeybgalay, luguna soo dhaweeyey.
Garaadka guud ayaa lafilayaa in uu lakulmo Madaxda dawladda Puntland qaarkood, oo ay ka wada hadli doonaan xaalado kala gedisan oo khuseeya Puntland, waxaana uga soo horeeyey mandiqada Isimo uu ka mid yahay Garaad Abshir, oo la kulmay Madaxweynaha dawladda Puntland iyo kuxigeenkiisa oo ay waxyaabo badan soo qaadeen.
Dalalka Kenya, Jabuuti, Kuweyt, Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya, ayuu ku maqnaa Garaad Jaamac Garaad Cali mudooyinkii ugu dambeeyey, waxaana ujeedada socdaalkiisaas ay ahayd sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha ay ku sugan yihiin gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn, oo ay ku soo duleen Maamulka gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.
Isimada Puntland ayaa lafilayaa in ay la kulmaan Garaad Jaamac Garaad Cali oo ay kala hadlaan qodobada ku saabsan shirkii magaalada Nayrobi, isla markaasna ay iska wareystaan sida ugu haboon ee wax looga qaban karo xaaladaha ay ku sugan yihiin gobalada Puntland.
F. C. Maxamed
AllPuntland