Garaad Jaamac Garaad Cali in Bosasao

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Garaad Jaamac Garaad Cali in Bosasao

Post by sheekh-Farax-zero »


Garaadka Guud Ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Maanta Sitoosa uga Soo dagay Gagida Dayuuradaha Ee Bandarqaasim Ee Magaaladda Boosaaso, Waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Masuuliyiin Sar Sarre oo ka tirsan Maamulka Puntland iyo Madax dhaqameedka kusugan halkaas.

Garaadka oo kasoo kicitimay Magaaladda Jabuuti Ee Dalka Jabuut oo uu kusugnaa indhawaalaba ayaa Wuxuu Maanta Sitoosa uga Soo dagey Garoonka Caalamiga Ee Bandarqaasim Ee Xaruunta Gobolka Bari Boosaaso, Garaad Jaamac ayaa Waxaa halkaas kaga hortagay Maamulka Gobolka Bari iyo Isimada Magaaladda Bosaaso.

Imaanshaha Garaad Jaamac Magaaladda Boosaaso ayaa Wuxuu Meesha ka saara Hadaladii Warbaahinta qaarkeed Soo qortay Ee ahaa inuusan Garaadku kasoo dagi karin Garoonada Deeganada Puntland.

Garaadka Guud Ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac ayaa Wuxuu Safaro kala duwan ku tagay Wadamo Tiro badn Wuxuuna dhamaantood kala hadlayay Xaalada Adag Ee ka Taagan Deeganadu Beeshu degto

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Wuxuu kulama Xaasaasiya La qaadan Doonaa Maalmaha Soo Socda Isimada ugu Waa Weyn Deeganada Puntland iyo Madaxda Sar Sarre Ee Maamulka Puntland.


Liibaan C.rashiid Siciid
Liibaan5711@hotmail.com
Laasqoray.Net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”