Hargeysa (Qarannews)- Warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada JSL, oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge aya waxa uu u qornaa sidan tan “Madaxweynaha JSL. isaga oo tixgalinaaya qodobka 90naad ee Dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo kaalinta wax ku oolka ah ee qaranka iyo Dalkaba ay ugu jirto Wasaarada Arimaha Dibadu, waxa uu u Magacaabay (


Madaxweynuhu isaga oo tix-gelinaaya hufnaanta iyo kartida shaqo ee uu leeyahay Mudane (C/raxmaan Cismaan Aaden) waxa uu ku Amray laga bilaabo maanta in uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego Xilka Cusub ee loo magacaabay”.
Dhinaca kale, Dhacdadii Xalay ka dhacday Wajaale oo Madaxweynuha JSL. uu ka tacsiyadaynaayo qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen laba Qof ee halkaas ku dhintay.
Xalayto wakhti dambe oo saqdii dhexe ah Cidamada Booliiska ah ee qaabilsan nabad gelyada Degmada Wajaale ayaa loo soo sheegay baabuur kaligii meel taagan kadib markii Ciidamada boolisku goobtaa tageen si ay u soo hubiyaan baabuurkaasi iyo cida la socota, dadkii baabuurka watay waxay bilaabeen inay baabuurkii dhaqaajiyaan.
Waxa dabadeedna Ciidamada Booliisku baabuurkaa ku fureen Tacshiirad halkaas oo ay ku dhinteen gabadh iyo Wiil ka mid ahaa dadkii baabuurka watay.
Madaxweynaha JSL. isagoo dhacdadaa bilaysku ay labada qof kama ugu dileen ka xun, waxa uu tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadaas qof isagoo iyana u rajaynaaya in uu Ilaahay naxaariis Jano ka waraabiyo .