Page 1 of 1

Ducaysane oo wasiiru dawlee lo magcaabay

Posted: Tue Jan 19, 2010 12:33 pm
by Bohol iyo karaman
Madaxweynaha oo Wasiiru Dawle Cusub u Magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland, Tacsina Dira

Hargeysa (Qarannews)- Warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada JSL, oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge aya waxa uu u qornaa sidan tan “Madaxweynaha JSL. isaga oo tixgalinaaya qodobka 90naad ee Dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo kaalinta wax ku oolka ah ee qaranka iyo Dalkaba ay ugu jirto Wasaarada Arimaha Dibadu, waxa uu u Magacaabay ( :lol: Mudane C/raxmaan Cismaan Aaden -Ducaysane- :clap: ) in uu noqdo Wasiirudawlaha Wasaaradda Arimaha Dibada, isaga oo bedeli doona jagadii uu ka geeriyooday Marxuumkii (siciid Maxamed Nuur)Ilahay ha u Naxariistee isagu ahaan jiray Wasiirudawlaha Arimaha Dibada.
Madaxweynuhu isaga oo tix-gelinaaya hufnaanta iyo kartida shaqo ee uu leeyahay Mudane (C/raxmaan Cismaan Aaden) waxa uu ku Amray laga bilaabo maanta in uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego Xilka Cusub ee loo magacaabay”.
Dhinaca kale, Dhacdadii Xalay ka dhacday Wajaale oo Madaxweynuha JSL. uu ka tacsiyadaynaayo qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen laba Qof ee halkaas ku dhintay.
Xalayto wakhti dambe oo saqdii dhexe ah Cidamada Booliiska ah ee qaabilsan nabad gelyada Degmada Wajaale ayaa loo soo sheegay baabuur kaligii meel taagan kadib markii Ciidamada boolisku goobtaa tageen si ay u soo hubiyaan baabuurkaasi iyo cida la socota, dadkii baabuurka watay waxay bilaabeen inay baabuurkii dhaqaajiyaan.
Waxa dabadeedna Ciidamada Booliisku baabuurkaa ku fureen Tacshiirad halkaas oo ay ku dhinteen gabadh iyo Wiil ka mid ahaa dadkii baabuurka watay.
Madaxweynaha JSL. isagoo dhacdadaa bilaysku ay labada qof kama ugu dileen ka xun, waxa uu tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadaas qof isagoo iyana u rajaynaaya in uu Ilaahay naxaariis Jano ka waraabiyo .

Re: Ducaysane oo wasiiru dawlee lo magcaabay

Posted: Tue Jan 19, 2010 12:40 pm
by Dhaga Bacayl
Horta wasiiru dawluhu muxu qabtaa/

Awoodiisu inaty leeg tahay?

Re: Ducaysane oo wasiiru dawlee lo magcaabay

Posted: Tue Jan 19, 2010 2:06 pm
by LiQaaye_TDH
Dhaga Bacayl wrote:Horta wasiiru dawluhu muxu qabtaa/

Awoodiisu inaty leeg tahay?
His the Paper Boy for Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdullahi Mohamed Ducaale...

Same things as the Wasiro Dawlaha Arrimaha Gudaha (Muse Madoobe) is the Paperboy for Wasiirka Arrimaha Gudaha (Ciirro)

Re: Ducaysane oo wasiiru dawlee lo magcaabay

Posted: Tue Jan 19, 2010 2:46 pm
by Dhaga Bacayl
LiQaaye_TDH wrote:
Dhaga Bacayl wrote:Horta wasiiru dawluhu muxu qabtaa/

Awoodiisu inaty leeg tahay?
His the Paper Boy for Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdullahi Mohamed Ducaale...

Same things as the Wasiro Dawlaha Arrimaha Gudaha (Muse Madoobe) is the Paperboy for Wasiirka Arrimaha Gudaha (Ciirro)

Liqaaye,

But there are also wasiir ku xigeeno, correct? What is the need for Wasiir Dawle. What country employs such system in this world?

Re: Ducaysane oo wasiiru dawlee lo magcaabay

Posted: Wed Jan 20, 2010 2:06 pm
by LiQaaye_TDH
Dhego.. Your right, we have that as well, its just another way for the Corrupt Ministers to make money! Our little nation has over 33 Minister, the whole of Somaliland corrupted!