Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Shir-jaraa'id Qabtay
Posted: Tue Jan 19, 2010 12:36 pm
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Shir-jaraa'id Qabtay
Hargeysa (Qarannews)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliland wuxuu kaga hadlay dhinacyada Nabadgelyada, la dagaalanka Argagixisada, khilaafaadka Golaha Guurtida, Maxjarka Xoolaha iyo siyaasada.
Madaxweynaha JSL wuxuu sheegay in Nabad gelyada dalka laga wada shaqeeyo isagoo ku bogaadiyay Haweenaydii Maryan Dayib Maxamed ee dhawaan fashilisay hubkii cuslaa ee la dhigayay xaafada Xawaadle ee degmada 26-ka June, waxaanu tilmaamay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Laas-caanood inay ka mid tahay shirqoolada argagixisada ee Somaliland loo maleegayo,waxaanu ammaanay sida shacbigu ay ula shaqeeyaan ciidanka Booliska oo uu u soo jeediyay shacbiga inay sii wadaan dedaalada ay ku gacan siinayaan ciidamada ammaanka.
Md. Daahir Rayaale Kaahin wuxuu ayaan darro ku tilmaamay rag ka tirsan Axsaabta mucaaridka ah oo qaraxyadii ka dhacay dalka ku sheegay in xukuumadu ka dambaysay,waxaanu xusay inay dawladu la dagaalanto argagixisada oo ay baadho hase yeeshee aanay ka dambayn.
Madaxweynuhu waxa kaloo uu sheegay in 2003-gii markii la dilay Haweenaydii Analiina ee Boorame lagu dilay iyo Lamaanihii Ingiriiska ahaa ee Sheekh lagu dilay inuu xiligaasi uu shaaciyay inay Argagixiso dishay halka mucaaridkuna ay ku doodi jireen inaanay dalka ka jirin wax argagixiso ahi. Waxaanu sheegay Madaxweynuhu inay qaban doonaan Argagixisada iyo budhcad baddeedkaba isla markaana laga guulaysan doono dagaalo badan oo Somaliland lagula jiro.
Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ka hadlayay dhinaca doorashooyinka wuxuu sheegay in maalmahan dambe ay mucaaridku ku andacoodaan in xukuumadu ay dib u dhigayso doorashadii waxaanu daboolka ka qaaday in arrimihii doorashadu dhamaadeen oo la isla gartay in marka la saxo mishiinka Server-ka ee ay ku kaydsan yihiin macluumaadkii diiwaan gelinta ka dib, komishanka doorashooyinkuna ku dhawaaqaan maalinta doorashada la qabanayo ay tahay in la sugo hase yeeshee ninkii wax kale oo ka baxsan heshiiskii la gaadhay ka hadlayana waxa uu ku tilmaamay inuu wax kale wado.
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay khilaafaadka Golaha Guurtida Somaliland wuxuu sheegay inaanay waxba ka jirin Wararka sheegaya in Xukuumadu ka dambayso khilaafaadka Guurtida. Balse uu xusay inaanay xukuumadu wax faro gelin ah ku haynin, hase yeeshee uu ugu baaqayo Shir-gudoonka inay iyagu dhexdooda ka heshiiyaan ka dibna Golahooda heshiisiiyaan, isagoo sidoo kale sheegay in muddo kordhin dambe aan looga baahnayn Golaha Guurtida oo xilka Madaxweynuhu ku siman yahay bil ka dib marka doorashadu qabsoonto.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay oo kale in marka uu dibada tago uu jaaliyadaha Somaliland ku booriyo inay u midoobaan danaha qaranka, oo meel iska dhigaan arrimaha xisbiyada, balse uu xusay in xisbiyada mucaaridka ahi ka shaqeeyaan kala qeybinta jaaliyadaha,isagoo sheegay in dadka dibada jooga lagaga qaadhaan urursado Somaliland ma jirto. Waxaanu u soo jeediyay muwaadiniinta dibada ku nool in ay barnaamij weydiiyaan xisbiyada mucaaridka ah ee u yimaada.
Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu xisbiyada mucaaridka ah u soo jeediyay inay marka ay dibada marayaan ay qadiyada Somaliland iib geeyaan oo ay uga waramaan cida ay la kulmaan in dalku fiican yahay, oo ay kala gartaan Madaxweynaha iyo dalka.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in sarkaalkii lagu dilay qaraxii ka dhacay Laascaanood ay rag Salaadiin ah iyo Axmed Siilaanyo si khaldan u fasireen waxaanu sheegay in dambiga dhacay xil ka saaran yahay baadhistiisa xukuumada.
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay Jasiiradaha Ceebaad iyo Sacaadadiin, oo dhawaan ay koox Salaadiin ahi ay ku eedeeyeen xukuumada in la iibiyay jasiiradahaa balse waxa uu sheegay inaan dhul la iibin, hase yeeshee haddii maalgelin lagu samaynayo ay xukuumadu ka masuul tahay, muwaadiniintuna ay u siman yihiin maal-gashiga kii Ceelaayo ku dhashay iyo ka Lawya-Caddo ku dhashayba oo la siinayo kii shuruudaha buuxiya,Waxaanu Madaxweynuhu u soo jeediyay salaadiinta inay ka dhawrsadaan wixii aan u qalmin milgahooda.
Madaxweynuhu wuxuu ka waramay marxaladihii uu soo maray dhismihii Maxjarku waxaanu sheegay dedaal adag ka dib inuu midho dhalay oo Xoolihii laga qaaday xayiraadii Sucuudigu saaray sanadkii 1998-kii. Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in markii u horraysay taariikhda uu dekada Berbera ka dhoofay markab mugiisu yahay 220 kun oo neef oo adhi ah isla markaana ay toban cisho gudahood Ciidii oo qudha ay 660 kun oo neef ka dhoofeen dalka.
Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay inuu amar ku bixiyay in xoolo aan caafimaad qabin loo dhoofin Karin dibada, isagoo sheegay in haddii mar kale Sucuudiga loo dhoofiyo xoolo aan caafimaadkooda la hubin ay dhici karto in xayiraad dambe la saaro dhoofkii Xoolaha.
Madaxweynuhu wuxuu ganacsatada dalka ugu baaqay inay dadkooda u naxariistaan oo ay qiimaha raashinka darruuriga ah hoos u dhigaan isagoo xusay inaanu jirin qiime caalamka ka kacay.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu maqlay war sheegayay waraysi lala yeeshay Axmed Siilaanyo inuu ku sheegay inuu isagu faderaal aaminsanaa oo uu waraaq ka qoray, hase yeeshee uu dadka uun uu joojin kari waayay oo ay qasbeen, waxase uu Mudane Daahir Rayaale tilmaamay inay is weydiin mudan tahay inuu wali aaminsan yahay faderaalkii iyo inuu ka tanaasulay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.