Somali ministers Claim Asylum or Leave Kenya
Posted: Tue Jan 19, 2010 2:39 pm
http://www.jowhar.com/main/news.php?readmore=2575
Kenya ayaa digniin iyo baaq waji gabaxnimo ah u dirtay xildhibaanada Soomaalida ah ee ku sugan dalkeeda kuwaas oo haatan qaar ku xiran xabsiyada Kenya qaarna hoteelada ku dhuumaaleysanaya.
Wasiirka Socdaalka dalka Kenya Otieno Kajwang oo maanta wareysi siiyey BBC-da ayaa ku booriyey xildhibaanada iyo wasiirada dowlada TFG ee jooga Nairobi in ay iska dhiibaan xerooyinka qaxootiga Dhadhaab iyo Ifo ee Kenya hadii kalana ay dalkooda ku laabtan si ay u dhisaan.
Wuxuu ku eedeeyey mudanayaasha KMG ah in ay Nairobi u joogaan sidii ay ukala fur furi lahaayeen dowlada ay Kenya dhistay ee Federaalka KMG ah taasoo ay Kenya sheegtay in ay si aad ah uga xanuun saneyso.
Arrintani waxay ka dembeysay laba maalmood oo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kaleba laga qabqabanayay Kenya.
Xalay oo u dambeysay waxaa la xiray Ismaaciill Buubbaa oo hore u noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee TFG iyo weliba Ra'iisal Wasaare xigeen.
Kenya waxaa ku sugan siyaasiyiin fara badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood ay hawlo siyaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda ay ku jiraan qaar kalena ay yihiin dad ka soo cararay colaadda Soomaaliya.