Wasiir Cawil oo Beeniyey in Maraykanku Fiise u Diiday

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Wasiir Cawil oo Beeniyey in Maraykanku Fiise u Diiday

Post by Bohol iyo karaman »

Wasiir Cawil oo Beeniyey in Maraykanku Fiise u Diiday
Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa beeniyay warar la baahiyay oo sheegayay in safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ay u diiday fiise dal ku gal oo uu ka dalbaday.

Baraha Internetka, oo warkan faafiyay ayaa waxa ay baahiyeen in safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ay Wasiirka u diiday fiisihii dal ku galka, iyagoo sheegay inaanay caddayn sababta loogu diiday.

Haseyeeshe Wasiirka maaliyadda Md. Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Maraykanka xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa warkaas beeniyay. “Haba yaraate ma jirto wax fiise ah oo aan ka dalbaday safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa.” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay, “Addis Ababa, waxaan u hoyday habeen keliya oo waxaan toos u tagay magaalada Nayrobi ee dalka Maraykanka oo aan haddana joogo. Markaas ma jirto wax fiise ah oo la ii diiday, malaha waxa la isku kaayo khaldaayaa Axmed-Siilaanyo :lol: oo lagu jactadiyay fiisihii Maraykanka.”

Cawil, waxa uu sheegay inuu magaalada Nayrobi ee dalka Kenya u tagay arrimo u gaar ah, isagoo xusay inuu horaanta toddobaadka dambe dalka ku soo laaban doono.

Wargeyska Geeska Afrika
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Wasiir Cawil oo Beeniyey in Maraykanku Fiise u Diiday

Post by The_Emperior5 »

bohol cawil jeceliida ma lacagtu wax ka siya horta lol
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Wasiir Cawil oo Beeniyey in Maraykanku Fiise u Diiday

Post by Dhaga Bacayl »

Hadaa ma waxu odhan lahaa HAA yo waa i diiday . Cawil baydaan aqoonba. :lol:

I just got one of his books. Haven't started reading yet!
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Wasiir Cawil oo Beeniyey in Maraykanku Fiise u Diiday

Post by The_Emperior5 »

cawil mucjiso wa ninki yidhi abahay ma dhali jirin eeh naag faalisa ah ayaa ku tiri abahay naag arab ah guurso marka waad dhalaysa, :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”