Vice president will visit Germany

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Vice president will visit Germany

Post by The_Emperior5 »

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Arrimo Caafimaad u Tegay Jarmalka


Hargeysa (Jam)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa saqdii dhexe ee habeen hore Madaarka Egal International Airport ee caasimadda Hargeysa ka duulay isagoo ku sii jeeda dalka Jarmalka oo la sheegay inuu u tegay arrimo dhinaca caafimaadkiisa ah.


Ma jiro war rasmi ah oo xukuumaddu ka soo saartay socdaalka madaxweyne-ku-xigeenku ku tagay Jarmalka, hasayeeshee sida xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, isla markaana lagu baahiyey shabakadda wararka ee waaheen, waxa safarka madaxweyneku-xigeenku la xidhiidhaa arrimo caafimaadkiisa ah oo beryahanba la hadal-hayey inuu u tegayo dalka Jarmalka.


Md. Yaasiin oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa la filayaa markuu soo dhammaysto socdaalkiisa caafimaad ee Jarmalka u sii dhaafi doonaa dalal kala duwan oo Yurub ah, isla markaana kulamo kula yeelan doono masuuliyiin kala duwan iyo qurba-joogga reer Somalilad.


Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hor intaanu u xadhko-xidhan safarkiisa waxa uu kormeero kala duwan ku sameeyay xarumaha hay’adaha dawladda, isagoo kulamo la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee hay’adaha uu booqday, waxaannu ku boorriyey dardargelinta hawlaha qaranka sannadka cusub 2010-ka oo uu sheegay xukuumaddiisu culayska ugu weyn saari doonto adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee dalka.







Jamhuuriya Online
Xamari_76
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4939
Joined: Mon Feb 25, 2008 1:24 am

Re: Vice president will visit Germany

Post by Xamari_76 »

I think they are trying to live it up before thier term is over :D

You go vice president :up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Vice president will visit Germany

Post by The_Emperior5 »

Xamari_76 wrote:I think they are trying to live it up before thier term is over :D

You go vice president :up:

i might go inshallah he will speak to reer jaaliyada somaliland eeh garmalka.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”