Magaalada Shiniile oo uu dagaal adag ku dhex maray shacabka iyo Tigreega
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Diridhaba ee gobolka Shiniile ayaa waxa ay sheegayaan in dabayaaqada todobaadkii lasoo dhaafayay shacabka magaalada Shiniile ay sameeyeen mudaaharaad aad ubalaadhan,hase ahaateen Ciidamadii Tigreega ayaa si aabayeel la’aan ah dadkii oodda uga qaaday rasaas,waxa ayna rasaastii Tigreegu dishay hal ruux oo shacab ah,waxaa kale oo ay dhaawacday ugu yaraan shan ruux oo kele.
Dadkii banaanbaxayay markay arkeen in ayna Tigreegu u aabayeelaynin oo ay si quman utooganayaan ayaa qof walba oo uu qori uyaalay magaalada lasoo baxay, kadib durba jawigii banaanbaxa ayaa waxa uu isu badalay dagaal adag.Tigreega waxaa halkaas lagaga dilay 5 askari halka in kabadanna lagaga dhaawacay,markuu dagaalku kululaaday ayay ciidamadii Tigreegu dib ugu gurteen xeryohoodii.
Banaanbaxan ayaa waxa uu kadhashay sida wararku sheegayaan qorshe ay Tigreegu waayahan ka wadeen nawaaxiga magaalada Shiniile.Waxa ay Tigreegu qorshaynayaan in ay diyaariyaan dhulbeereed lagu qiyaasay (60,000) oo hectare kadibna lasoo dajiyo dad Itoobiyaan ah oo laga soo raro dhulka sare ee buuralayda ah.Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxa gobolka Shiniile ayaa waxa ay sheegayaan in Tigreegu ay ka guureen magaalada Shiniile,waxa ayna xayiraad kusoo rogeen dadka dhalinyarada ah ee kasoo baxaya Diridhaba una Shiniile, iyagoo ka cabsi qaba in kacdoonkaasi ay kasoo baxaan dhalinyaro cadhaysan oo biirta jabhadda ONLF.Waxa ay wararku intaas ku darayaan in dadkii shacabka ahaa ay cagta mariyeen dhamaanba qalabkii larabay in lagu fuliyo mashruucyadan horta leh.
Qorshahan ayay hadda kahor Tigreegu isku dayeen in ay kafuliyaan dhul beereedka magaalada Goday,shacabka magaalada oo arintaas kasameeyay banaanbaxna waxaa lagu wada guray xabsiga.
Qorshahan oo ay kubaxayso in kadan 3 billion oo birka Itoobiya ah ayaa waxaa dawladda Itoobiya ka caawiyay Israel,oo iyadu bixisay dhamaanba kharashka kubaxaya laba mashruuc oo kani kamid yahay oo sanadkan larabo in laga fuliyo gobolka Shiniile.
Jiwiga magaalada Diridhaba ayaa aad ukacsan,waxa ayna dadku isu sheegayaan warar dhiillo leh oo ah in dhulkoodii lasoo dajinayo dad Itoobiyaan ah
Shiniile shacab uprising.
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
Shiniile shacab uprising.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
Re: Shiniile shacab uprising.
Very courageous act



-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 502 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 40 Replies
- 1665 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 2 Replies
- 489 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 4 Replies
- 709 Views
-
Last post by RuralMan08
-
- 34 Replies
- 3173 Views
-
Last post by Waachis
-
- 6 Replies
- 442 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 6 Replies
- 759 Views
-
Last post by Shift
-
- 0 Replies
- 309 Views
-
Last post by gemini07
-
- 1 Replies
- 533 Views
-
Last post by cheifaqilbari
-
- 6 Replies
- 310 Views
-
Last post by grandpakhalif