Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub oo soo gadhay Cerigaabo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub oo soo gadhay Cerigaabo

Post by ToughGong »

Daawada

Image
Image

Image

Ceerigaabo(Qarannews) Xoghayaha guud ee Udub Jaamac Yaasiin Faaax ayaa gelinkii hore ee shalayto(Jimcihii) gaadhey magaalada Ceerigaabo. Xoghayaha guud ee Udub ayaa isagoo habeennimadii hore seexday magaalada Yufle oo qiyaastii 30-km jahada galbeed ka xigta Ceerigaabo oo ka hor intii aanu soo gaadhin ay ugu sii diyaar garoobeen soodhowayntiisa xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha Udub ee gobolka sanaag Cali Ismaaciiil Barre iyo madax-dhaqameedyo isugu jira Boqor, Suldaan , Cuqaal iyo guurti, waxa subaxnimadii Jimcaha xarunta Udub ee magaalada Yufle horteeda xoghayahaasi kala hadlay dadweynaha ku dhaqan halkaas, isagoo uga mahad celiyey soo dhowaynta iyo marti gelinta halkaas (Yufle) loogu sameeyey muddada ay joogeen Isla subaxnimadii Jimcaha maanta ayaa magaalada Yufle waxa soo gaadhey gaadiidka yar yar oo tiro badan oo kazoo kicitimay dhinaca Ceerigaabo, kuwaas oo uu hoggaaminayey maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, iyadoo xoghayaha laga soo hoggaamiyey halkaas, idaasnna uu ku soo gaadhey gudaha Ceerigaabo Xoghayaha Udub ayaa kahor intii aanu tegin guriga uu degganaan doono mudda kooban ee uu Ceerigaabo ku sugan yahay wuxu dadweynaha soo dhoweeyey iyagoo tiro badnaa awgeed kala hadlay Xarunta Udub gobolka Sanaag ee Ceerigaabo horteeda, waxana hadalladiisii ka mid ahaa "Aad ayaad ugu mahadsan tihiin soo dhowaynta wanaagsan aad magaaladan quruxda badan ee Ceerigaabo noogu samayseen, waana caaasimadda ugu horraysa ee gobollada bari ee socdaalka aan ku marayo ugu horraysa, annaguna xilligan uma soconno ololayn (campaign) doorasho waayo taas waqtigeediiba lama gaadhin oo weli komishanka qaranka ayaa laga sugayaa in ay cayimaan, haseyeeshee socdaalkayagu waa mid ku salaysan kormeerka iyo dhismayaasha arrimaha xisbiga iyo hawliihiisa kala duwan, taas ayaan leeyahay yaan si kale loo qaadan". Waxa iyaguna halkaas hadallo kooban oo soo dhowaynta xoghayaha Udub ku saabsan ka jeediyey Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo guddoomiyaha Udub ee gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Barre. Cabdullaahi Xuseen Darwiish Ceerigaabo
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub oo soo gadhay Cerigaabo

Post by Bohol iyo karaman »

Mansha allah, SI Sharafleh baa loo soo dhoweeyeey, Gobolka Sanaag si xoog leh baa loogaa taageeraa Xisbiga Udub gaar'ahaan Ceerigaabo, Ceelafweyn, Maydh, Dararweyne, iyo welibaa bariga amaa dhankaa daaroodka
User avatar
yunis09
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3441
Joined: Thu Feb 19, 2009 1:32 pm

Re: Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub oo soo gadhay Cerigaabo

Post by yunis09 »

ceerigaabo :up:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub oo soo gadhay Cerigaabo

Post by Goljano Lion »

ceergabo looks like a shanty town, foolxuma :lol: waar sidaa reer Burco boodhka ka xaadha meesha
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”