Saaka< Siilaanyo wadanka kumaa soo laabaan karo!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Saaka< Siilaanyo wadanka kumaa soo laabaan karo!

Post by Bohol iyo karaman »

Saaka Iyo Hargeysa: Xukuumadda Somaliland Oo Si Rasmi Ah Shaaca Uga Qaaday Inaan Guddoomiyaha Kulmiye Dalka Soo Geli Karin



Hargeysa (Golisnews.com)-23/01/2010- Qoraal ka soo baxay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo loo kala diray waaxda socdaalka Qarranka, taliska ciidanka Booliiska iyo xafiisyada shariikadaha diyaaradaha ee ka diiwan gashan Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in ay xukuumadda Somaliland ka mamnuucday dalka inuu dib ugu soo laabto Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.


Qoraalkani waxaa lagu yidhi "Maadama oo ay caddaatay in Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aanu aaminsanayn qaddiyadda madax banaanida iyo jiritaanka dhiigga badani ku daatay ee Somaliland oo uu isaga laftigiisu qirtay dhawaan hadal uu warbaahinta siiyey, waxay xukuumaddu go'aan ku gaadhay shirkii golaha wasiiradda ee maanta in laga mamnuucay gebi ahaanba soo gelitaanka xuduudaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo"


Qoraalkani oo sii socda waxaa lagu yidhi "waxaa la farayaa laanta socdaalka qarranka, taliska ciidanka Booliiska iyo dhammaanba shariikadaha diyaaradaha ee ka diiwan gashan wasaaradda duulista iyo hawada inaanay soo qaadi karin Axmed Siilaanyo, waxaana lagala noqon doona ruqsadii duulimaadka shariikadda u hogaansami wayda amarkani" ayaa lagu yidhi qoraalkani oo uu ku saxeexna Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali Ciro.





Qoraalkani ayaa wuxuu ka danbeeyey ka dib markii habeen hore uu wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil Keyse uu ka sheegay telefishanka ay madaxtooyadu maamusho in ay xukuumaddu amar siisay haayadaha ammaanka inaanu dalka dib ugu soo laaban.


Arrintani ayaa haddii ay dhabowdo waxay soo afjaraysa geedi socodkii dimuqraadiyadda Somaliland, waxaana ay gebi ahaanba sii kala fogaynaysaa qaranimada Somaliland.


Axmed Siilaanyo ayaa muddo ka badan 30 sannadood wuxuu ku jiray halganka madax banaanida Somaliland isagoo ahaa Guddoomiyahii ugu muddada dheera ee Ururkii SNM, waa aqoonyahan lagu tiriyo inuu ka taaganyahay siyaasiyiintii fara kutiriska ahaa ee tayadiisa oo kale maanta ka nool, waxaana tani loo arki karaa masiibo kale oo ku habsata qaranimada Somaliland.
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Saaka< Siilaanyo wadanka kumaa soo laabaan karo!

Post by kaliil »

LoooL, odaygii asaasaqa ahaa si xun ayay u galeen.horena doorashada ayaa loogu diiday oo kolba dib loogu dhigayay, haddana waxa laga mamnuucay inuu wadanka yimaado.London marfashyadooda ayuu iska yuururi oo qaadka ka dhergi, marka baararka ayuu geli oo khamriga isku shubi illeen weligiiba sarkhaan ayuu ahaaye :D . ilaa markii snm ayuu khaain ahaa oo laga shakisanaa. waa dulliye hala xidho ama hala dilo illeen tol difaaci karaya oo looga baqanayo malaha e
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Saaka< Siilaanyo wadanka kumaa soo laabaan karo!

Post by GENERAL_SNM »

kaliil wrote:LoooL, odaygii asaasaqa ahaa si xun ayay u galeen.horena doorashada ayaa loogu diiday oo kolba dib loogu dhigayay, haddana waxa laga mamnuucay inuu wadanka yimaado.London marfashyadooda ayuu iska yuururi oo qaadka ka dhergi, marka baararka ayuu geli oo khamriga isku shubi illeen weligiiba sarkhaan ayuu ahaaye :D . ilaa markii snm ayuu khaain ahaa oo laga shakisanaa. waa dulliye hala xidho ama hala dilo illeen tol difaaci karaya oo looga baqanayo malaha e
You high or something son? That above statement is pure fantasy because wish full thinking wont change reality and that is you will have a HJ president whether you like it or not and then instead of holding the toilet paper for a qudunbersi you'll be cleaning Silanyos arse. Thats reality.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Saaka< Siilaanyo wadanka kumaa soo laabaan karo!

Post by Cali_Gaab »

^ :lol: :lol: :lol: , Walee dadkani lama fahmo.

Arrintani wax lagu farxo maaha, noolashiina ayaa ka sii daraysa walahi.
Read Ducaales statement on Hadhwanaagnews right now, all this crap is just wishfull thinking. :mrgreen:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Saaka< Siilaanyo wadanka kumaa soo laabaan karo!

Post by LiQaaye_TDH »

Ilahaay ayaan inagu Dhaarshe aan aragno Haddi Laga Horistaago Somaliland :lol:

I would Love to see if the Goverment actually tried!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”