Breaking News... Big Qarax in Laascanood

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Breaking News... Big Qarax in Laascanood

Post by LiQaaye_TDH »

Laascanood (Buraoonline) 25.01.10 Qaraxan Oo Ahaa Nooca Miinada Dhulka lagu Aaso Ayaa Waxaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen 2 Askri oo ka tirsan ciidamada Somaliland 2 kalena dhaawac yahiin, Sida Ay soo sheegayaan Qeybo Ka mid Ah dadweynaha ku sugan Gudaha Magaalada laascaanod

Qaraxan Ayaa waxa uu dhacay xili ay ciidamadu Ka soo noqdeen Roondo ay Habeenkii xalay Ahayd Ka wadeen Gudaha MAgaalada laascaanod Taas oo ay ku soo qabteen Walxaha Qaraxa Sida Ay sheegayaan Saraakiisha Laamaha Amaanka Ee Magaalada Laascaanood,

Ilaa iyo Haatan Majiraan Cid loo soo qabtey Qaraxa Saaka Ka dhacay Magaalada laascaanood, ciidamada iyo booliska Aya hadda wadda badhitaano Xoogan Kuwaas ay ku raadinayaa cida ka danbeysay Qaraxan ,

Magaalada Laascaanood Ee xarunta G/Sool. Ayay Mudooyinkii u Danbeeyey Waxay ahayd meel Ay ku soo badanayaan , Qaraxyada Kala duwan ee loo Geeysanayo Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Gudaha Magaalada Laascaanood

Dhinaca Kalena Qaraxan ayaa ku soo Beegmaya xili ay Shalay Ciidamada Qaranka SOmaliland Ay Gadheen deegaanka Holhol oo uu Shirweyne Baaladhan Uga Furmi lahaa issimada Beesha Dhulbahante.

Buraoonline
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”