Hussein Nuur(ONLF spokesman) talks to Daynille in Qatar

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Hussein Nuur(ONLF spokesman) talks to Daynille in Qatar

Post by hanqadh »

Shabakadda Dayniile oo wareysi la yeelatay HWF ee JWXO
(Doha Qatar 25/01/2010) :

Wareeysi meela badan taabanaayo oo ay la yeelatey shabakada warbaahinta ee Dayniile xafiikeeda bariga dhaxe ayaa wuxuu ku bilowdey sida tan .

1- So'aal : Waxaad soo saarteen sanadkan dhamaadkiisi warbixin aad ku sheegaysaan dagaalada aad la gasheen ciidanka Itobiya sanadkii tagay iyo dhibaatada lagu hayo shacabka Somaliyeed ee ku jira gumaysiga Itobiya. Maxaa cadeymo ah ood u haysaan arimahaa?

1-Jawaab : Waad ku mahadsantahay su’aashan. Hadaan si kooban uga jawaabo cadeymaha muujinaya way farabadan yihiin.dadka ka soo cararay dhibaatada gumaysiga ee soo galay xeryaha qaxootiga ee Kenya, Jabuuti, Yamen iyo kuwa jooga magaalooyinka Somaliya waxay muujinayaan dagaalka ka socda gobolka. Waxaa kaloo kuu muujinaya dagaalka ka socda Ogadenya, diidmada ay Itobiya u diiday haya’dihii samafalka inay tagaan halkaa, ka dib markay ka warbixiyeen dagaalada meesha ka socda iyo dhibaatada ay xukuumadda Itobiya ku hayso dadka shacabka ah. Sidoo kale waxay Itobiya ka mamnuucday saxaafadda caalamka inay tagaan halkaa oy ka soo warbixiyaan. Waxaa kaloo ka marag kacaya maamulada Somaliland iyo Puntland oo marwalba u gacan galiya dawladda Itobiya dad shacab ah iyagoo leh waa ONLF taasoo muujinaysa inay Itobiya ku taageerayaan dagaalka ay nugula jirto. Waxaa intaa dheer safaaradaha reer galbeedka ee jooga Addisababa warbixinada ay ka qoraan xaaladda Ogadenya iyo dagaalada ka socda iyo khasaaraha xad dhaafka ahee ciidanka Itobiya soo gaara.

2- So'aal: Waxyaabaha Somalidu idinku eedayso waxaa ka mid ah inaad dalkii ula baxdeen Ogadenya oo ah magac qabiil ee ka waran.

2-Jawaab :Afrika waxaa u magac bixiyay horta gumaysigii soo qabsaday iyo dalmareenadii ka horeeyey. Magacan Ogadenya anaga uma aanan bixinin, waana la ogsoonyahay inuu yahay magac ka fac weyn xataa erey bixinta Itobiya. Sababtoo ah markii loo yaqiinay Itobiya magaca Abissinya ayaa Ogadenya la odhan jiray dalkan. Hadaad fiiriso qariidooyinkii qarnigii 18aad waxaad ku arki Ogadenya. Sidoo kale kuwa casriga ah. Xataa qaamuuska Oxford Dictionary hadaad ka baadho waad ku arki. Hadaba inta aad gobanimadoonka tahay ee dalkaaga la gumaysto waxaad u baahanatahay magacii dalkaaga taariikhda ugu jiray ee mucahadaadkii Ingriiska iyo boqoradii Xabashida ama dawaladihii reer Yurub ee Geeska Afrika qaybsaday ay ku diiwaangaliyeen inaad ku halganto. Shacabka Somaliyeed oo aad xasaasi ugu ah qabiilka umbaa magacaa u arka inuu yahay magac qabiil ee caalamka intiisa kale waxay u yaqaanaan inuu yahay magac dal ay Itobiya gumaysato. Hadaanse Somalida weydiiyo magaca USC ama SNM ama SSDF ama SPM iwm ma magac qabiil ayaa ka muuqda? Jawaabtu waa maya. Hadana mid walba waxaa loo yaqaanaa qabiil gaar ah, mana arkaysid qof qabiilka loo tiriyo USC oo ka mid ah xisbiga SSDF ama SNM.
Anaga hadaan nahay ONLF waxaa ku jira oo waliba madax sare ka ah ururka iyo ciidankaba dhamaan shacabka daga wadankaa. Waana mid la wada ogsoonyahay. Hadaan qabiil ku shaqayno, ama ururka ONLF uu yahay mid u taagan dana qabiil siday u burbureen ururadaa aan kuu soo sheegay ayay ONLF-na u burburi kahayd, sababtoo ah qabiil laguma heshiin karo, mabda’a iyo caqiido iyo wadinayad umbay sahacabka Somaliyeed meelkastoo ay joogaan ay ku heshiin karaa.

3- So'aal : dalkan sidaan la socon sanada badan ayuu dagaal ku jiray ilaa hadana wax natiija ah kama aydin gaarin. Ilaa goorma ayaad dagaalka wadeysaan?

3-Jawaab : Dagaalka gobanimadoon lama xadido waqtigiisa ee waxaa la xadidaa hadafkiisa. Mudada uu soconayo dagaalkaasi waxay ku xidhantahay marka uu gumaysiga garwaaqsado inuusan shacabkan xoog iyo cabudhin ku haysan karin. Shucuub farabadan ayaa boqolaal sano dagaal gobanimadoon waday. Qaar ayaa ku guulaystay qaarna weli way wadaan. Waxaan hadda ka soo gudubnay marxalada badan oo nooga dhib badnaa midda aan hadda ku jirno, waxaanan ogsoonahay inuu maalin walba gumasyiga sii daciifayo, gobanimadoon kana sii xoogaysanayo. Qorshe cilmiyaysan oon kula dagaalamayno gumaysiga dhanwalba, xag ciidan, xag siyaasadeed iyo xag dhaqankaba ayaan kula jirnaa waanan ka guulaysanaynaa haduu Ilaahay Idmo.

4- So'aal : waxaan la soconaa inay maamulada ka jira Somaliya dhamaantood gacan saar la leeyihiin Itobiya oo xataa xiriir amniga ah uu ka dhexeeyo. Arintaasi miyaanay dhibaato idinku ahayn?

4-Jawaab : Horta waa arin laga xumaado maanta inuu askariga Itobiya uu si nabadgalyo ah ku dhex socdo Hargaysa iyo Boosaaso oo waliba uu qofkuu doono oo Somali ah ku karbaasho ama ku dilo labadaa maamul aniga oon wada dhalanayna la yidhaahdo waxaad tahay ONLF oo ma soo gali kartid. Waxaanse kuu sheegayaa shacabka labadaa maamul in aanay arintan raali ka ahayn oo waliba aan ka helno taageero xoogan. Somaliya waxaa ka dhacay mashaqo laga soo bilaabo waaguu Cabdulahi Yusuf tagay Adisababa isagoo taageero ka doonaya Mingisto siduu ula dagaalami lahaa qarankii Somaliyeed. Waxaa luntay dareenkii Somalinimo iyo midkii diineed labadaba. Waxaa soo baxay qaar sheeganaya siyaasiyiin oo jeebkooda waxa soo galaya waxaan ahayn aan u aaba yeeleynin. Waxaa wadankii Somaliya qabsaday siyaasiyiin cabsida ay ka cabsanayaan askariga Itobiyaanka ah uu ka badanyahay cabsida ay Ilaahay ka cabsanayaan. Itobiya waxay aad xooga u saartay in ONLF laga saaro maamulada Somaliland iyo Puntland hasa ahaatee kuma gulaysan kumana guulaysan karto. Sababtoo ah Somalida ku jirta gumaysiga Itobiya wuxuu ka mid yahay shacabka daga labadaa maamul. Waan ka guulaysanaynaa.

5- So'aal : Ugu dambayntii, wax xiriir ah mala leedihiin dawladda Sh. Shariif?

5-Jawaab : Maya. Xiriir lama lihin. Umana malaynayo inay dawladda Sh. Shariif hadda waqti iyo tabar toona u hayso in ay arimaha ka jira Geeska Afrika uga fikirto. Kollayba faragalinta Itobiya oo iska dhigaysa inay taageerayso dawladda SH. Shariif waxaan ogsoonahay inaysan waxba ka jirin. Hadda ka horba waa iyagii taagerayay Cabdulaahi Yusuf iyo xataa dawladii lagu soo dhisay Jabuuti ee Cabdiqaasi Salaad. marka hore inay taageerayso, ka dibna hoosta ayay ka kala furfurtaa ilaa ay kala dirto. Sh. Shariif waxaa la gudboon haduu doonayo inuu soo celiyo qaranimadii Somaliya inuu ka fiirsado xiriirka uu la leeyahay Itobiya. Inuu dib u akhriyo taariikhda laba shacab ee Somalida iyo Itobiya. Inuu dib uga fiirsado xiriirkii uu la lahaa Eretreeya. Sababaha dagaalka ka dhexeeya Itobiya iyo dawladda Eretreeya waxaa ka mid sida ay Itobiya la doonayso Somaliya oon dan u ahayn Eretreeya ayna ka soo horjeedo. Sababtoo ah Itobiya waxay doonaysaa dawlad Somaliyeed oo daciif ah oo iyadu ay u arimiso.

6-So'aal : Adigoo soo koobaya maxaad ku odhan lahayd shacabka Somaliyeed?

6-Jawaab : Waxaan odhan lahaa, shacabka Somaliyeed haduu ku sii jiro xaaladda uu hadda ku sugan yahay ee ah khilaafaadka aan dhamaadka lahayn iyo qabyaaladda iyo diin ku dagaalanka waxaa laga waayi doonaa khariidada caalamka. Ilaa iyo hadda siyaasiyiin .

Weriye:
Maxamed Shiiq Isxaaq
Doha - Qatar
Abuukhalid88@hotmail.com
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Hussein Nuur(ONLF spokesman) talks to Daynille in Qatar

Post by ina aadan »

Xuseen nuur waa nin hadalka sifiican u deeqsiin dadka
:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”