XUQUUQDA MUSLIMIINTA U DHAXAYSA

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

XUQUUQDA MUSLIMIINTA U DHAXAYSA

Post by ina aadan »

Walaalayaal aadaabta diinteena Islaamka na barayso waxaa ka mid ah in uu qof walba oo Muslim ah qofka kale ee Muslimka ah ay walaalaha yihiin xaq uu ku leeyahay. Sidaas daraadeed miyaad taqaanaa qofka Muslimka ah ee walaalkaa ah xaqa uu kugu leeyahay?

Nabiga (salalahu calayhi wasallam) ayaa inoo sheegayee dhagayso: Wuxuu yiri Nabiga (salalahu calayhi wasallam) qofka Muslimka ah qofka kale ee Muslimka ah xaqa uu ku leeyahay waa lix: ( Xadiiskani waa Hassan)


1- Hadii aad la kulantid in aad salaantid

2- Hadii uu kuu yeero in aad yeeshid

3- Hadii uu waano kaa dalbo in aad waanisid

4- Hadii uu hindhiso uu ducaysto(Al-humdullillaahi) yiraahdo in aad u ducaysid oo aad tiraahdid (Yarxamakallaahu).

5- Hadii uu jirado in aad soo booqatid

6- Hadii uu dhinto in aad raacdid Janaasadiisa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”