HY Haday Ka Baqanayaan Inay Yaraden De Wado Kale Sul-Daakir

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

HY Haday Ka Baqanayaan Inay Yaraden De Wado Kale Sul-Daakir

Post by LiQaaye_TDH »

), Waraysi xaas xaasi ah oo laga qaaday suldaan ka mida salaadiinta beesha Gabooye, gaar ahaana Madhibaan Sudlaan Daakir Xassan Khaliif ayaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa.

Suldaan Daakir Xassan Khaliif waliba waxa uu ka sii tirsan yahay jufada la yidhaahdo Siciid Kuul-ka.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

S. Sudlaan Daakir, waxaa jiray beryihi ugu danbaysay in warbaahinta ay hadal haysay in beeshiina siciid kuul ay jiraan olole ay ku midoobayaan beesha kale ee habar yooni, asal ahaana ka lumay beesha habar yoonis, dulaan sheekadaas inta aad taariikhda ku hayso xagee ayey asalkeedu inagaga timi, horse ma u maqashay inta aad taariikhda ku hayso.

J. Horta ugu horayn qadiyadan hada laysku hayo ee ka dhaxaysa reerka madhibaan khaastan reerka Maxaadbare iyo qaar ka mida habar yoonista, runtii arrinkani wejiyo fara badan ayuu leeyahay wax aan soo koobi karno maaha laakin waxyar baanu ka ifdiimin doonaa.

Runtii warku waxa uuna soo gaadhay wakhtii aan dhawayn oo ku dhaw ilaa 2004 dad hadal haya, warkan badankiisina waxa uuna soo galay 2008 aakhrkiisii ilaa 2009 isagoo aad moodo in uu sidii hore ka dardar badan yahay.

Arrinka runtii waxaa keenay oo aanu anagu eediisa aanu dusha uga saaraynaa nin ka mida Habar yoonis oo muuse carre ah oo la yidhaahdo Axmed Quule iyo nin ka mida beesha aanu anagu ka soo jeedno oo iska dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Mahad Ayaanle Shire, labadaas nin ayaa iska mirqaamay oo marqaankoodii ayey ka dhalatay qadiyada noocan ahi, mana ah mid ay ka soo gaadheen oo ay kala yimaadeen cid.

Teeda kale ninka Axmed Quule la yidhaahdo waxa uu yidhi Buug ayaan qoray, buugaa uu qoray waxa weeye ma kala doonayo wixii nasab ay ku tahay ama in ay tahay arrin aad iyo aad u xaas xaasiya, waxaa loo baahan yahay in ay noqoto wax meel ka soo jeeda oo uu qofku yidhaahdo waxaas waxa aanu ka maqalnay ilaa Jad..Jad ilaa Jad ama hebel iyo hebel ama awoow ilaa ka awoow, waana waxa uu isagu jeebkiisa kala yimi.
Ka soo gudub horta isagu arrinkaas halkaas ayuu kala yimi, sida loo arkay iyo dhibka uu keenay iyo halka ay xaaladu marayso hadii aan u soo noqdo, anagu waxaanu nahay reer ka mida madhibaanka hadii aanu nahay maxaadbaraha, maxaadbaruhuna waa seddex jilib waxa weeye:-

Siciid Kuul, sacad iyo dhag cas, saddexaas reer waa reer ka mida madhibaan, ma dhibaankana 13 oday ilaa 12 reer ayaa lagu tilmaamaa waana ogay ka mida.

Shayguna mar hadii uu nasab noqdo waa lagu kala bixi karaa, maanta hadii Habar Yoonis qof nagu qabsato waa lagu kala bixi karaa ama milad ayaa lagu kala bixi karaa ama wixii la hal maala ee la mida oo ay noqonayso in DNA-ga iyo in wax la baadho.

Arrinkaasi waa mid qaldan arrin ay umadu aqbali kartana maaha, hadaba anagu waanu ka hadalnay beel ahaan hada waxaan soo qabtay shir aad u balaadhan oo aan hawd ku soo qabtay oo ay ka soo qayb galay beelaha oodhan qadiyadaasna ay gaashaanka ku dhufteen diyaarna aanay odayaashi u hayan, xaqiiqadii rag muxtarim ah oo uu ugu horeeyo suldaanka guud ee Habar Yoonis Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar runtii hadalkoodana waanu soo dhaweynay, hadaba waxaa jira rag badan oo ka mida beesha habar yoonis oo aan ku qanacsanay wax ay sheegen iyo qaar ka mida beelahayaga.

Runtii beelahayaga waxaa ku jira nin garaad u ah beesha Sacadka oo ka mida beelaha saddexda ah ee aan tiriyey waxaa la yidhaahdaa Gaara Axmed Diirye Geedan laascaanood ayuu degaa waxaana lagu caleema saaray in uu ahaado garaadka guud ee beesha gabooye, hadii aad websites ama google aad ku qorto garaadka way soo bixi doonaan qoraaladiisii iyo qadiyada Somaliland isaga oo sheegay in nin lagu dilay Somaliland, isagoo ka hadlaya arrimaha midgaanimada iyo waxaas markaas garaadku wax badan ayuu ku dhiiranaa laakin hada wax ku dhiiriyey ma garan karno.

Geesta kale Sudlaan Daakir Xassan ayaa Weriye Ilka Case oo ka qaaday waraysigan waxa uu weydiiyey bal sida uu u arko suldaan ahaa qolyaha uu ka midka yahay Garaad Axmed Diiriye iyo qolyahah kale ee dibada ka wadan arinta iyo fariinta uu gaadhsinayo? Waxaanu ku jawaabay suldaanku.
J. Khaasatan qolodaas waxaanku odhanayaa illaahinaa ka cabsada, Nebigeeni waxa uu yidhi N.N.K.H “Naclada Ilaahay kor kiisa ha ahaato qofka qariya nasibkiisa ee sheekta nabas kale” wax kale oo uu xadiiska Rashuulkeenu N.N.K.H leeyahay “Qofka sheegta qof aan abiihi ahayn naclada ilaahay korkiisa ha ahaato janadana waa ka xaaraan”.

Reerkayga waxaan ugu nasteexaynaa waar ku iimaansada reerka aad tihiin oo illaahay ka cabsada, waxaanan ku dhiiri gelinayaa in ay ka waantoobaan wax ay ku dhaqmayaan iyo masayrkaa xun ee ay umada u horseedayaan oo ay tilmaamayaan in ay yihiin beel aanay ka soo jeedin iyaga intaas ayaan leeyahay.

Qoladan Habar Yoonisna waxaan leeyaay waar hadaad naga rabtaan xulufo oo aad doonaysaan gaashaanbuuraysi wado loo soo maro ayey leedahay anaguna diyaar ayaanu u nahay, Maraykan iyo ingiriis oo maanta aduunku ugu quwad weyn ayaan xulafo ka maarmin, sidaas daraadeed xulufo diyaar ayaanu u nahay anaga oo madhibaan ahi oo reerkayagii ah anaga oo weliba ka tashanayna.

Laakin ma ogalin mana yeelayno, idiinmana soconayso raga u ololayna in aanu ka mid nahay beesha beesha habar Yoonis anagu beel madhibaana ayaanu nahay aduunka oodhan ayaanu degnaa cid cadaawadi nagama dhaxayso, ogaane ayaanu la degnaa, majeerteen ayaanu la degnaa, hawiye, mareexaan, habar jeclo, awal intaaba waan la degnaa cid maanta godobi naga dhaxayso ma jirto. Sidaas dareed umada madaxa haysku kaaya gelinina oo illaahay ka cabsada xuduudna ma lihin oo meel kasta ayaanu degnaa.

Intayada Somaliland degtaa somlilander ayaanu nahay hada hadii aanu Puntland qabano cid na qabsanaysa ma jirto, cid naga shakiyeysaana ma jiroto aduunka waxaanu ku marnaa waa nabad galyo.

S. Marka laga hadlaayo Somalia ama taariikhda ee aad dib u raacdo ka Awoow ka awoow, aduunyaduna ama xiligii Nebga N.N.K.H waxay jirtay qarniyo badan somaliduna waa dadku isku sinjiyad isku afa qadiyadu markii ay taagnayd ee qaar midgaha loo bixiyey ee dumarkooda raga laga takoori jiray. Maanta qadiyadani iyada oo intaas oo qarni ay soo jirtay maxaa maanta keenay in laba qolo oo siman oo Somalia ahi ay qoloba qolada kale sheegato, side ayay arintaasi kuula muuqataa?

J. Horta walaalo anagu dhulkan waxaanu dagaynayn inta ay Somali iyo somalilandba daganayd, Habar Yoonis awoow ilaa ka awoow jaar ayaanu ahayn maalin qudha nalagama maqlin qadiyadaas ku tacaluqda reerkayga, Berbera xaafada barwaaqo lagu tilmaamo Ciise Muuse oodhami waa garanayaa, Habar Jeclo waa garanaysaa ilaa ingiriiskii reerkayga ayaa deganaa weliba Siciid Kuul oo qudha ayaa deganaa xataa gabayo ayaa loogu tiriyey, gabayadaas waxaa ka mid ahaa

 Nimanyow Siciid Kuul Berbera waad u Sidataan
 Sakadaha La Jeexay ee Saxarka Loo Diiday
 Sariirahan Furshaanta ah ee Siligu Laalaabay

Gabaygaas ayaa loo tiriyey Siciid Kuul, Muuse Cabdle dalka waa jooga Habar Yoonisna dalka way joogaan maalin qudha lagama maqal qoladaasi waa anaga, qadiyadu waxay maanta ku timi siyaada iyo doorasho kama madhna, waa la ogyahay Habar Yoonis ubucdeedu waa UDUB intooda u badani waa Udub siyaasadana kama madhna, anaguna dad wax fahmay ayaanu nahay oo meesha ay dadntaydu ku jirto waanu ognahay.

S. Hadii ay qadiyadii siyasad gashay, dhanka xukumada madaxweyne Riyaale ayaad ku eedayn lahayd?

J. Horta runtii walaalo dadkii aanu shirka dhanka Telephone-ka kuwa jirnay beri hore ayey ahayd, ragaas shirka aanu ku wada jirnay waxaa ka mid ahaa Suldaan Maxamed Suldaan, waxaa ku jiray Suldaan Yuusuf Xiiray, waxaa ku jiray niman badan oo Yurubtaas degan reerahayguna way ku jireen, waxaana shirkaasi lagaga hadlaayey Beesha Kuulcare ragaasi hada waxay sheegayaan in aanay wadan hadiiba ay ka toobad keenen waa alxamudi lilaah laakin waxaanu ogayn in ragaasi ay awooda u badan lahaayeen xiligasi.

S. Kuul. Kuul Care waa kii Habar Yoonis, Halkii Ay Siciid Care ka ahayd ayuunbaa loo bixiyey Kuul Care, Sidaas Miyaanay ahayn?

J. Walaalo waxaa la yaableh dadku waxaanay fahmayn, imika waxaa jira reerahayga qolo la yidhaahdo Muuse (Muuse Dhariyo) ka waran hadii reerkaas Muuse Cabdale lagu sheeko ka waran? Waa arin la yaable markaa umada oodhami waa wada Kuul magacuna uu ka dhaxayn karaa magacuna ma badali karo macanaha guud ee mansabka.

S. Sudlaan arrinku waa hadal hayn batay, dhanka xukumada ma jiraan wasiiro arrinta ku jira oo aad ilaa hada ka war hayso?

J. Haa way jiraan laakin hada ma carabaabayo, foolka foolna maanu isku arag laakin way jiraan.

Gabagabaadii Sudlaan Daakir Xassan Khaliif oo ka hadlaaya sida ay beeshooda ama reerkooda wax ugu sheegeen iyo beesha kale ee Habar Yoonis ayaa waxa uu yidhi

“ Anaga Reerkayga waanu u cadayn xaqiiqadii waanu u sheegnay waxaanu leenahay illaahina ka cabsada arrimahana faraha kala baxa, hadii aad tahay aqoon yahay umada waxaad qabanayso u qabo, hadii aad tahay nin ganacsade ah umada wixii aad u tarayso u tar, laakin umada iyadoo takoor jiray oo uu cadaadis badani jiray oo ay ahayaan qaar la hayb soocay dhibkii hore jiray dhi kale ha ugu siyaadinina. Runtii maanta ayey waxbarteen, jamacadoo kale oo ay ilbaxeen oo weliba magacoodii laguma magan galayaa aduunka.

“Reerka Habar Yoonis inta hawshan ku jirta hadii ay Habar Yoonis yaraatay oo ay ina Habar Yoonis yaraato ka baqanayaan dee ilaamadeeerayaal wado kale oo loo maro ayey leedahay ee ha soo maraan, hadii siyaasadi ku jirtano dee wado kale oo loo maro ayey leedahay ee anagu oo isir lahe ma badalayno qadiyadayada anagu waxaanu nahay reer madhibaana waanan aaminsanahay reerkayga.

Iyaga (Habar Yooni) waxaanu leenahay hadii aad u jeedo leedihiin ujeedadiina cadaystay, laakin Kuul Care ma nihin imikana ma nihin mana ahaandoono mana aqbali doono”

Intaas ayeynu ku soo koobaynaa waraysii xiisaha badanaa ee laga qaaday Suldaanka Madhibaan Sudlaan Daakir Xassan Khaliif oo uu waraysanaayey weriye Abdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilka Case) oo jooga xarunta gobolka Togdheer ee Burco kana hawl gala shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews.
Digdahab
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 464
Joined: Thu Oct 15, 2009 1:12 pm

Re: HY Haday Ka Baqanayaan Inay Yaraden De Wado Kale Sul-Daakir

Post by Digdahab »

dude HY underdogs almost succeeded in exiling Siilaanyo .

you have no reason to relax saaxib, it just shows Hy are willing to kill this time as well.

Presidential elections and parliamentarian elections

HY 2 - 0 HJ

it's already proven by foreign elections aid HY constituted the single largest voting black as late as 2005.
surpassing HJ 17 % see for yourself sources in SNet .

Be reasonable it's been estabilished beyond all doubt
HY is the one holding you from presidency unless something dramatic happens here.
Like you kissing their feet? stop being so damn proud nicca

It's Riyaale all the way, unlike your uncle he is young and can serve his purpose for the odayaal of Hargeisa in long time.


You keep thinking HY is on the defence with this midgaan carre failure move :lol:
but it is you who keeping waiting for next step constantly from UDUB

Siilaanyo hasn't made a move since 2003 when he threathned to make a paralelle government :lol:



off note I think in elections 2014 Habar Yoonis is gonna make an agreement with Sacad Muuse....
it's gonna be a Sacad Muuse President and HY VP .

Don't worry your uncle will enter the famous Faisal Ali Waraabe collection of looser politicians . wait and see :lol: :lol: :lol: :lol:

nothing personal just kaftan :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”