
waxaa maanta magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag soo gaadhey xooghayaha guud ee xisbiga udub Jaamac Yaasiin Faarax xoog hayaha oo safarkiisa ka soo bilaabay magaalada hargeysa ayaa ku soo hakaday degmada cusub ee yufle taas oo manta lagu dhawaaqay xooghayaha waxaa kusoo dhoweyey magaalada ceerigaabo madaxada dawlada sida gudoomiyaha gobolka sanaag cali cabdi hure maayarka magaalada ceerigaabo ismaaciil xaaji nuur gudoomiyaha xisbiga udub ee gobolka sanaag cali simaaciil bare {cali qasaaye}iyo dadwene aad u tiro badan xooghayuhu markuu soo gaadhey magaalada ceerigaabo waxa uu taageerashaasha xisbiga udub kula hadlay xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay magaalada ceerigaabo halkaas oo uu ka soo jeediyey qudbad kooban salaada jimce oo soo dhoweyd awgeed waxana uu u mahadnaqay maayarka iyo masuuliyiintii kale ee sida weyn ugu soo dhoweeyey waxan uu sheegay in ay socdaalka uu ceerigaabo ku yimi tahay mid kamida socdaalada uu ku marayo gobolada bari ee dalka xooghayaha oo kulamo galabta la leh madxda xisbiga iyo dawlada waxaa lafilayaa in uu u ambabaxo meelo kale oo kamida sanaag maalmaha soo socda sidoo kale maayarka magaalada ceerigaabo ismaaciil xaaji nuur oo isna hadal kooban ka soo jeediyey halkaas ayaa u mahad naqay xoog hayaha oo safarkiisii ugu horeeyey ku yimi manta magaalo madaxda gobolka sanaag ee Ceerigaabo siciid axmed tamreyse sanaag74@hotmail.com xamaasnews.wordpress.com ceerigaabo/sanaag/so maliland