Muamar al-Gaddafi oo ah hogaamiyaha wadanka Libiya ayaa noqday madaxweynaha dunida ugu foolxun, marka loo eego madaxda kale ee dunida ah ee tartanka loo sameyay uuna kaalinta ugu danbeyso ka galay.
Kaalintaas hoose ee madaxda dunida quruxdooda kala hogaaminayo waxaa dhinaca labaad galay hogaamiyaha Korea-yada Waqooyi Kim-Jong-il,kaalinta saddexaad waxa galay, Pope Benedict XVI ee hogaamiyaha diinta Vatican-ka iyo boqorka Qatar Haad Bin Khalifa.
Quruxda madaxda aduunka waxa qaaday haweeneyda Ra’isal wasaraha wadanka Ukraine Yulia Tymoshenko, halka uu xigsaday Jens Stoltenberg oo ah Ra’isal wasaraha Norway iyo Jige Khaser Nagyel Wangchuck oo ah hogaanka boqortooyada King of Bhutan oo ku dhaw wadanka China.
Madaxweynaha wadanka Mareykan-ka Barack H. Obama ayaa galay kaalinta 15-aad ee loo eegay quruxda madaxda aduunka
Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa galay 179-aad, halka Madaxweynaha Jabuti Ismail Cumar Gelle uu galay kaalinta 203, tas oo dad badan ka yaabisay.
Waxaa la yaab noqotay in Madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki uu ka qurux badnaaday madaxda Somalia iyo Jabuuti.wuxuuna galay kaalinta 177-aad
Madaxda madow ee dunida ayaa kaalinta koowaad quruxda waxa u qaaday Joseph Kabila oo ah hogaamiya wadanka Kongoda-ademocoratiga ,wuxuuna qaatay koobka kaalinta 4-aad quruxda aduunka , halka Ra’isal wasaraha Dominica oo ah jasiirad dhacda Karibiyanka ama Latina America uu kaalinta 6-aad ee quruxda madaxda dunida galay
Madaxda dunida ugu quruxda badan ayaa qofka Islam-ka ee hogaamiyasha dunida kamid ah waxa u hormaray Madaxweynaha Maldives Mohamed Nasheed.
Warbixintaan ayaa lagu soo bandhigay website-ka http://hottestheadsofstate.wordpress.com/list/ oo ku jiraan madaxda lasoo bandhigay
Waxaa turjumay Mohamed Mascuud.
http://www.waagacusub.com/news/27.01.10.7qurux.htm
http://hottestheadsofstate.wordpress.com/list/
WTF,some people are weird wallahi. Making list of stateheads, amongst them there are oldies.
This is number one:

She deserves number one



