Tusbax oo ah kuwo nuucyo badan ayaa kan ay qaataan Qaadiriyada ee aad u badan la sheegay in ay diideen in dadka qaataan, taasoo lagu sheegayo in ay qeyb ka yahay la dagaalanka ay kula jiraan Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo maalmihii u dambeeyay ayaa dad saarnaa Gaadiid ay kala dageen Shabaab, kuwaasoo watay Tusbaxyada waa weyn, waxaana dadkaas oo muddo ay heysteen ka goo-gooyeen tusbaxii ay wateen.
Ficilkan ayaa ka bilowday degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo Maleeshiyaadka Shabaabku ay dhowr ruux ku garbaasheen oo watay Tusbaxa oo dadka ay ku wardiyaan.
Tusbaxa ayaa dadka culimada ay u qaateen in ay ku cibaadeystaan oo ay ku badiyaan Alle bariga sida wardiga iyo Saliga Rasuulka (SCW), hase ahaatee go'aankan ayaa noqonaya mid dadka qaata ay caqabad ku noqon karaan.
Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
But praising osama binladen,ibn taymiyyah and muawiyah is highly recommanded
