Page 1 of 1

Jabuuti Oo 450 Askari U diraysa Xamar

Posted: Fri Jan 29, 2010 9:14 pm
by Goljano Lion
Djibouti, January 29, 2010 (W.Wararka) - Wasiirka Arimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay in Somalia ay u soo diraan 450 Askari oo reer Jabuuti ah bisha soo socota si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ee jooga gudaha dalka dhibaatooyinku ragaadiyeen ee Somalia.

Wasiirka Arimaha Dibeda Djibouti waxa uu intaasi ku daray inay taageerida iyo barbar istaagida dowladda Sheekh Shariif ee Somalia uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana uu sheegay inay Jabuuti door muhiim ah ka ciyaari doonto howlgalka Ururka Midowga Africa oo hadafkiisu uu yahay nabad ku soo dabaalida dalka ay halakeeyeen colaaduhu ee Somalia.

Ciidamada AMISOM ee jooga Magaalada Muqdisho ayaa tiradooda lagu sheegaa inay gaadhayaan 5000 Askari, kuwaasi oo ka kala socda Wadamada Uganda iyo Burundi waxaana wadanka kasta ka jooga 2500 Askari, iyadoo Jabuutina ay haatan ku soo biirinayso 450 Askari, taas oo tirade guud ee Ciidamada Midowga Africa ee jooga Somalia ka dhigaysa 5,450 Askar