
“Waxa Haboon In Kenya Ay Kala Garato Somaliland Iyo Somaliya Inay Kala Yihiin Laba Dal Oo Kala Gooni Ah” Wasiirka Maaliyada
Hargeysa(Ramaas) Jan.30, 2010 - Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale oo ay weheliyeen Wasiir Ku Xigeenada Wasaaradaha Arrimaha Dibada Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse) iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Md. Axmed Xaashi Cabdi ayaa maanta ka qeyb galay xaflad xadhiga lagaga jarayay Diyaarad cusub oo la yidhaahdo East African Safari, oo duulimaadyo ka bilaabaysa Magaalada Hargeysa.
Xafladii loo sameeyay diyaaradan cusub oo lagu qabtay Madaarka Hargeysa waxa kale oo ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqdhi Dubad, Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya Md. Maxamed Indho Buur, Agaasimaha Ganacsiga ee shirkada Diyaaradaha ee East African Safari iyo masuuliyiinta madaarka Hargeysa.
Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya Md. Maxamed Indho Buur, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in shacbiga Somaliland ay imika wixii ka dambeeya ay si toos ah ugu duuli doonaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaanu tilmaamay in Shirkadan East African Safari ay todobaad kasta laba jeer ka iman doonto Nairobi oo ay iman doonto Hargeysa.
“Waxaan diyaaradan kaga maarmi doonaa inaanu markaanu dalka imanayno soo maro dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo ay nagu qaadan jirtay mararka qaarkood todon saacadood iyo in ka badan.waxa xiligan lagu soo gaadhayaa Hargeysa wax ka yar laba saacadood oo qudha. waxaan u mahad naqayaa shirkadan East Africa Safari waxaanan leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii labaad (Somaliland) dalalka Kenya iyo Somaliland-na waa Walaalo,”ayuu yidhi Md. Indho buur.
Wakiilka Somaliland wuxuu sheegay in Shacbiga Somaliland iyo reer Kenya ay wadaagaan xidiidh qoto dheer oo ay ka mid tahay inay labadooduba ahaayeen qaar uu xukumi jiray dalka Ingiriisku.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha dibada Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse) oo xafladaasi ka hadlay ayaa si balaadhan u soo dhaweeyay diyaaradan cusub oo uu tilmaamay inay wax weyn ka tari doonto baahidii loo qabay duulimaad toos ah oo ka yimaada ama taga dalka Kenya.waxaanu xusay u mahad naqay shirkadan oo laga leeyahay dalka Kenya balse ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ugu waaweyn ee bariga Afrika.
“Xukuumad ahaan iyo shacbi ahaanba waanu soo dhawaynaynaa diyaaradan cusub oo aan rajaynayo inay kor u qaado xidhiidhka ganacsi ee labada dale e Somaliland iyo Kenya waxa kale oo aan rajaynaynaa in dalka Keyna ay Baasaboorka Somaliland fiisayn doonaan,”ayuu yidhi Md. Axmed Keyse.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale, oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay shirkadan diyaaradaha ee duulimaadka ka bilowday madaarka Hargeysa waxaanu sheegay in isagu marka uu doonayo inuu tago dalka Kenya ay ku qaadan jirtay muddo sadex cisho oo uu sii mari jiray dalal kale.
“Waxaan idinku soo dhawaynayaa dal aydaan qariib ku noqon doonin, Somaliland way ka nabad gelyo fiican tahay Magaalada Nairobi, waxaan idinka rajaynayaa marka aad ku laabataan Kenya inaad u sheegtaan inaad tagteen dal nabdoon oo Somaliland la yidhaahdo oo ka duwan Somalia. Waxaana haboon in Kenya ay kala garato Somaliland iyo Somalia inay kala yihiin laba dal oo kala gooni ah.
Wasiirka Maaliyadu wuxuu sheegay in dadka Soomaalida Kenya dad badan oo ka mid ahi ay ka tageen Somaliland xiliyo hore waxaanu si weyn ugu mahad naqay shirkadan.
Agaasimaha Ganacsiga ee shirkada Diyaaradaha ee East African Safari Mr. Goerge oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin duulimaadyada ay ka bilaabeen Somaliland oo ay ugu soo xisheen dhinaca Nabad-gelyada ka jirta waxaanu u mahad naqay Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Md. Indho Buur oo arrintan isagu ka soo shaqeeyay iyo masuuliyiinta kale ee xukuumada Somaliland.
Ramaasnews Desk
Hargeisa