


Sunday, January 31, 2010Dhisme Cusub oo Loo Dhisay D/Hoose ee Arabsiyo oo Shallay Xadhiga laga jaray
xaflada oo lagu qabtay isla D/H ee Arabsiyo waxa yimid Badhsaka, Maayarka Gabiley iyo Masuuliyiinta D/Hoose ee Arabsiyo.... DAAWO SAWIRADA
Arabsiyo (Gabiley News):- Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil ayaa saaka ka qayb galay xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka dhisme cusub oo ay yeelan doonto Dawlada Hoose ee magaalada Arabsiyo.
Xaflada furitaanka dhismahaasi oo lagu qabtay isla goobta laga dhisay dhismaha cusub ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay wasiiru Dawlaha wasaarada Arimaha Gudaha, Badhasaabka gobolka Gabiley Maxaed Axmed Aw Cabdi (xabiib), Maayarka Caasimada gobolka Aadan Muxumed Badde, Maamulka magaalada Arabsiyo Sitiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.