WADANIYIINTA SOMALILAND UGU BAQAYA

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

WADANIYIINTA SOMALILAND UGU BAQAYA

Post by Goljano Lion »

WAA OLALE WADANIYIINTA SOMALILAND UGU BAQAYA:

‘HA CODEEN KONTARAG LA’AAN’ AMA ‘NO CONTRACT NO VOTE’.



Somaliland waxaa ay u bahantahay ISBADAL “CHANGE” u horseeda Horumar dhankasta ah. Ummada Somaliland uma bahna in Shakhsi lagu badalo mid kale, ee waxay u baahan yihiin in Habkan Dawladnimo ee Kali Talisnimada dhashay in XIDIDA LOO SIIBO.

Way dhamatay wakhtigii ummada Somaliland ay ku daawanayeen Siyaasi/Hogaamiye-isku sheeg dambe inuu Ayahooda iyo Mustaqbalka caruurtooda baabiyo. Musharaxa codka dadka ku doonaya inuu ku HOGAAMIYO Somaliland, waa in uu AQBALO CODSIGA IYO RABITAANKA UMMADA. Way dhamatay BALAN QADYO BEEN AH ee dadka codkooda lagu helo.

Hadaba haddii aanu nahay ‘Wadaniyiinta Somaliland ee ISBADAL doonka ah’, waxaan leenaya ‘NO CONTRACT NO VOTE’. “HA CODEEN KONTARAG LA’AAN”. Ujeedadu waxa ay tahay in ummada Somaliland u codayn Musharaxa Madax tinimo doonka ah ee KONTARAGAN hoos ku qoran Ummada Somaliland la galin.



Ummada SOMALILAND umma baahna kolba KOOX, ama QOLO inay dalka iyo dawlada qabsato oo ay dhisaan DAWLAD “IYAGA” u shaqaysa een UMMADA u shaqaynin. KONTON (50) SANNO ayay ummadani dawlad noocasi oo kale ahi u talinaysay. WAXAAN DHIB AH MOOYE, DHEEF UMMADANI KAMA AY HELIN.



Maantana, Dawladii aan la soo noqonay waxaa gacanta u gashay kuwii laga xoreeyay. Markaa, WAA IN DAWLADII AAN LA SOO NOQONAY UMMADA GACANTEEDA LAGU SOO CELIYO, si loo helo dawlada UMMADA u shaqaysa ee KOOX ama QOLO u shaqaynin.

KONTARAGA UMMADA. Image


Hadaba Hogaamiyayaasha doonaya inuu Somaliland u taliyo waa in uu SAXEEXAN, Ummadana ugu Dhaartaan in uu hirgalinayaan KONTARAGAN.

Marka Dawlada cusub ee KONTARAG Ummada la gashay la doorto (Insha Alla), waa in bisha ugu horaysa Madaxwaynaha la doorto uu ‘Degreeto’ ku saxeexo lagu dhisayo Sideed KOMISHAN (AMA GUDIYO MADAX BANAAN). GUDIYADAN oo shaqooyinkoodu yihiin sidii DAWLAD QARAN dalka looga hirgalin lahaa.

Komishanadani waa inay madaxbanaanadaan, waana in ay ka soo kala jeedan Degaanada (ama Beelaha) Somaliland. Shil wayne ay iskugu yimadadan Ururada Bulshada iyo Ummada Somaliland ee gudo iyo dibadba jooga ayaa soo magacabaya shaqsiyaadka ay u arkaan in ay Komishanada Qaranka u qalmaan. Xubnaha Ummada Somaliland iska soo xuleen, waa in Madaxwaynaha iyo Xusbiyada siyasadu ay ka soo xushaan xubnaha Komishanka Qaranka. Kadibna waa in loo gudbiyo Golaha Wakiiladuna si ay u ansaxiyan. Haddaba hawsha ay qabanayaan Gudiyadani waa sida hoos ku xusan
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: WADANIYIINTA SOMALILAND UGU BAQAYA

Post by Voltage »

Honestly no one gives a schit. You live in America for a reason. :up:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: WADANIYIINTA SOMALILAND UGU BAQAYA

Post by Goljano Lion »

KONTARAGA UMMADA.



Kontaragani waxaa uu ka kooban yahay Siddeed KOMISHAN (Ama GUDIYO MADAX BANAAN) oo ah ASAASKA DAWLAD QARAN ama DAWLAD A UMMADA. Waana kuwani KOMISHANADU (Ama Gudiyadu):-




1. Gudida turxan bixinta iyo dhamaystirka Dastuurka dalka.


UMMADA SOMALILAND UMMA BAHNA INUU DASTUUR NOQDO, SHAADH NIN (ama KOOXI) TOSHAY OO ISKAGA LEG.



Dawladu Ummadu sideedaba waa dhismo guri oo kale. Sida guriga ugu bahan yahay Sees adag ayaa Dawlada Ummaduna ugu baahan yahay Dastuur ama Axdi qarameed ummada u dhex ah.

Haddba, Dastuurkeena waxaa uu jiray mudo dheer, walina waa qabyo, meela badana waxaa ay u bahanyihiin in dib loo eego. Haddaba meelaha u bahan saxida, si loo helo xal waara, waxaa ka mida:











* Kala xadaynta Awooda Ciidanka/Booliska Dawlada.
* Dibi habaynta Dimuqradiyada Somaliland.
* Iyo Xakamaynta Awooda Madaxwaynaha ee la xidhiidha Hantida Ummada. .



A) Kala xadayta Awooda Ciidan/Booliiska.



Ciidanka iyo Booliska Somaliland waa in loo habeeyo sida tan:



· Ciidan Qaran. Ciidanka oo ah Ciidanka Xooga dalka. Ujeedada Ciidankani waa inuu dalka ka difaaco cadawga dibada ka soo weerara. Waaxaana hogaamiya u ah Madaxwaynaha (Ama Waaxda Fulinta).



· Booliiska Ummada. Booliskani waa Boolis gaara oo saraakiisha hogaamiyaa ay ka amar qatan Golaha Wakiilada (Waxda Xeer dajinta). Booliskani oo ka kooban 100 – 300 askari oo xaruntoodu tahay Casimada dalka (Hargaysa). Booliskani shaqadiisu waxaa ay tahay illaalinta sharciga iyo Dastuurka dalka.



· Ciidan National Guard-ka. Ciidankani waa Ciidan kayd ah (Ama Ciidan Reserve ah) oo ka kooban shacbiga, ahna ciidan la tababaro mudo gaban (Ama 3 ilaa 5 billood). Tirada ciidankani iyo saldhigyadooda waxaa ay ku xidhnaan doonta awooda dhaqale dalka.



Ciidankani waxaa hogaaminaya saraakiisha Booliska Ummada ee hoos yimada Golaha Wakiilada ee ummada ka wakiilka ah. Waxaana ay shaqadiisu tahay haddii loo bahdo inuu Golaha wakiiladu dalban karo, si Ciidankani u difaacan Dastuurka Qaranka iyo sharciyada ummad.



Haddii nabadu khalkhal gasho, ciidankani isaga oo la shaqaynaya Booliska dalka waxaa uu ilaalinaya nabada dalka.



Iyo in ay ka qayb qaataan hawlaha kale ee dadka iyo dalka fa’iida u leh.



· Booliska Magalooyinka. Booliskani waa Booliska magalo madaxydada gobalada waa inuu hoos yimado Golaha Degaanka iyo Mayerka (Marka si toosa loo doorto).



Sanadka soo socda waa in Booliska Magalo Madaxda (Hargaysa) lagu bilaabo inay hoos yimadan Mayerka iyo Golaha daganka. Marka dalku Ictiraaf helo ee xalada siyasadeed ee dalku degto waa in magala madaxayada gobolada awooda kharashka ciidanka booliska ee magaladooda loo ogalaado inay mamulaan Mayerka iyo golahooda degmada
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: WADANIYIINTA SOMALILAND UGU BAQAYA

Post by Goljano Lion »

Voltage wrote:Honestly no one gives a schit. You live in America for a reason. :up:
this is not for Reer Konfurians, so it would be nice if you stay out of this thread since it doesn't concern you
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: WADANIYIINTA SOMALILAND UGU BAQAYA

Post by Goljano Lion »

http://www.wadani.org/Home_Page.html

B) Dibi habaynta Dimuqradiyada Somaliland.



* Sida uu Dastuurka dhigayo waa in la ogalaado furashada ururo siyaasadeed, si ay ula tartaman Xisbiyada Qaranka. (Waana in la mamnuuco in Qodabkan la hor joogsato ama laga saaro Dastuurka.)

* Ururada siyaasada waa in la koobo, si tani loo helo waa in shuruudo adag lagu xidho furashada urur siyaasadeed. Si aanu u noqon in qof, koox, qabiil ama gobal u samastaan urur ama xusbi.

* Gudoomiyaha, iyo laba gudoomiye ku-xigeen ee xusbigu/ururku waa inaanu jagooyinka si toosa dadku u dooranayo isku sharaxin. Shaqadoodu waa inay noqoto siday u dhisi lahaayeen xusbiga/ururka, una soo saari lahaayeen musharaxiin guul u soo hoya xusbiga/ururka.

* Musharax ama shakhsi ka tirsan xisbi/urur waa inaanu ka qayb galin shir ama kulan QABIIL. Ujeedad loo samaystay xisbiyada iyo ururada, ee loogu koobay saddex xusbi qaran waa si umadani uga guurto habka qabiil, una guurto hab ururo iyo xusbiyo. Markaa waa in khiyamo QARAN lagu oogo xubnaha ka tirsan xusbi/urur ama musharaxa ka qayb gala shir qabiil. Qofkay ku cadaato ficilkaasi waana in aan loo ogalaan inuu ka qayb galo siyaasada dalka.



Xulashada Musharaxiinta Xusbiyada/Ururada.



* Golaha Degaanka



Xubnaha Degmo ee xusbiga/urur waa inay doorashada Degmooyinka ka hor isku yimadan kuna soo xushan mushaxiinta uga qayb gali doona doorashada golaha Degaanka.



* Xulashada Musharaxiinta Mayer/Mayer Ku-xigeen iyo Golaha Wakiilada



Xubnaha Degmo ama Gobal ee xusbiga/ururka waa inay doorashada Degmooyinka ka hor isku yimadan kuna soo xushan musharaxiinta uga qayb gali doona doorashada Hordhaca ah (Ama Primary-ga ah.) ee Golaha Wakiilada iyo Mayarada.



* Xulashada Musharaxiinta Madaxwayne iyo Madaxwayne Ku-xigeen.



Xubnaha dhexe ee xusbiyada Qaranka ee gobalada dalku waa inay shirwaynaha xusbiga iskugu yimadan kuna doortan musharaxiinta u istagaya doorashada Madaxtooyada ee Hordhaca ah (Ama Primary-ga ah.).



Komishanka Qaranku waa inay hubiyan inay xulashada musharaxiinta xusbiyada/ururada uga qayb galaya doorashda QARANKA ay u dhaceen si xor ah oo xalaal. Haddii ayna xulashadani u dhicin si xor ah oo xalaala, Komishanka Qaranku waa in ayna u ogalaana musharixiinta lagu soo xushay doorashadan inay ka qayb galan doorashada QARANKA.



Dibu habeynta doorashada dalka:



a) Doorashada Dagaanka: Doorashadani waxaa lagu kala dooranayaa musharaxiinta ururada/xisbiyada u soo xusheen inay uga qayb galaan doorashada dagaanka. Isla doorashadani waxaa ku kala hadhaya ururada iyo xusbiyada. Saddexda urur/xusbi ee ugu codka bata ayaa noqonaya XUSBIYADA QARANKA, kana qayb qadanaya doorashooyinka danbe.



b) Doorashada labad waxaa lagu dooranayaa Musharaxiinta ku soo baxay ama ku guulaystay doorashada Hordhaca ahayd (Ama Primary-ga ah). Musharaxiinta lagu kala dooranayaana waa:

· Mayarada iyo Mayaro ku-xigeenka Magalo Madaxyada Gobalada.

· Xubnaha Golaha Wakiilada.



Saddex bilood ka hor doorashadani waa in la sameeyo doorasho Hordhac ah (Ama Primary ah) oo lagu kala xulanayo musharaxiinta raba inay isu soo sharaxaan doorashadani. Xubnaha ku guulaysta ayaa marka doorashada labada ka qayb galaan
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: WADANIYIINTA SOMALILAND UGU BAQAYA

Post by The_Emperior5 »

Marka Dawlada cusub ee KONTARAG Ummada la gashay la doorto (Insha Alla), waa in bisha ugu horaysa Madaxwaynaha la doorto uu ‘Degreeto’ ku saxeexo lagu dhisayo Sideed KOMISHAN (AMA GUDIYO MADAX BANAAN). GUDIYADAN oo shaqooyinkoodu yihiin sidii DAWLAD QARAN dalka looga hirgalin lahaa.
Arinkaan aad baan uu tageersanahay :up: :sland:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: WADANIYIINTA SOMALILAND UGU BAQAYA

Post by Goljano Lion »

i though i was posting in the Somaliland section, i hope they move it to the Somaliland section
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”