Somaliland house of elders come to an agreement

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32743
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Somaliland house of elders come to an agreement

Post by Khalid Ali »

Image

Golaha Guurtida Somaliland oo wada-jir u sheegay in la soo af-jaray khilaafkii u dhaxeeyay
February 4th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux Furre, ayaa maanta Mudanayaasha Golahaas oo dhan qado-sharaf ugu sameeyay Huteel Xaraf ee Magaalada Hargeysa.

Qado-sharaftan oo ujeedadeeda uu Guddoomiye-xigeenka Guurtidu ku sheegay is-turxaan-saar, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa; “Maanta waxaan Golaha iskugu yeedhay, dadku waa kuwii inagu sheekaysanayee bal inay yidhaahdaan imika nimankii (Mudanayaasha Guurtidu) waxbay wadda cunayaan oo nimankii colba maaha oo sidaynu moodaynayba maaha, ha layidhaahdo ayaan is leeyahay.” waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Hadalka iyo waxii wax isku sheeg ahna golaheenii ayaynu la tagi haddi Alle yidhaahdo. Barigii aynu xerta ahaan jirnay waxa la odhan jiray, labadda qof ee Kitaab wada akhrisatay waa laba qof oo Naas wada jaqday oo kale, dadka labadii isku gole ahiba waa walaalo ee wadda shaqaysaa.”

Gudoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay, ayaa mahad-naq u jeediyay Sheekh Furre. “Sheekhu wuu ku mahadsan yahay haddii uu maanta iskugu keen yeedhay oo uu yidhi, waar baryahan inaynu isku mid nahayba waad ilowdeen, wixii talo iyo wax isku-sheeg ahna sidii Sheekhu u sheegay golaheeni ayaynu la tagaynaa” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Dhinaca kale, Xaaji Cabdikariim Xuseen (X. Cabdi-Waraabe) iyo Xil. Cabdilaahi Ibrahim Xirsi (Dhugad) oo labaduba ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa mahad-naq ka sokow iyaguna dhinacooda dhiirigeliyay is-faham dhex mara Golaha, waxaanay sheegeen in khilaafkii Golaha u dhaxeeyay la soo gebogebeeyay.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk
Xamari_76
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4939
Joined: Mon Feb 25, 2008 1:24 am

Re: Somaliland house of elders come to an agreement

Post by Xamari_76 »

Everyday same ol thaang..
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland house of elders come to an agreement

Post by The_Emperior5 »

What I don’t understand this disagreement in the house of lords was because of selebaan gaal when he said Me and rayaale go to gether . if he leaves I leave if he stayes i stay. What I don’t understand dhugad ninka la yidha he was so against Selebaan gaal 2 years ago remember the Biggest Habarjeclo Shir of the 21 century in garadag. He was the one who was saying Selebaan gaal wa qabili Mahan in qarrann wa nin u shaqeynaya danaha reerkisa. When selebaan gaal arrived in gar adag. And now dhugad says Selebaan gaal lama eryi karo oo golaha guurtidii baabu walay? odaygan dhugad goormu saxanyahay goormu walaanyahay?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”