Posted to the web on Feb 04
S
Habeenimadii xalay qarax xoog weyn oo aan lala gaadhin meeshii lala rabeyayaa ka dhacay bariga magaaladda Laascaanood isagoo sida la aaminsan yahay ku sii jeedey Hotel Xamdi oo ay degan yihiin masuuliyiinta ka socda maamulka Somaliland.
Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali C/laahi Ciro ayaa ku soo bandhigay qalab kala duwan oo la sheegay in laga soo saaray ninkaasi qarxay oo ay ka mid ahaayeen Mobail laba weji leh, mid isna uu baabiiyey qaraxii Xadhiga laysugu xidho Kumbuyuterka, Tabaashir iyo waxyaalo kale
Waxaanu sheegay inay hayaan xogo badan oo uu sheegay inaanay soo bandhigaynin waqtiyada soo socda.
Warar laysla dhex yaacayo ayaa waxay sheegayaan in laga helay lacag gaadhaysa 1000$ iyo waraaq xawaaladeed Ilaa hadda ma cadda cid uu ka soo jeedo ninkaa dhalinyaradda ah ee isagu naftiisa biimeeyey

he is currently in lascanood


