Kooxo Hubaysan ayaa xalay Weerar culus ku qaaday guri uu magalada Muqdisho ka deganaa sarkaal sare oo katirsan Ururka Xisbul Islaami Garabka uu Hogaamiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Xalay Fiidkii ayay Rag aan lagaran Bambaano ku tuureen Barre Cali Barre oo ahaa taliyihii Ciidanka Raaskaambooni hadane kamid ah saraakiisha sar sare ee Ururka Xisbul Islaam, Barre Cali Barre oo saaka lahadlay saxaafadda ayaa qiray in uu ka Badbaaday isku day dil oo ay ladamacsanaayeen wax uu ugu yeeray Cadaw.
“Xalay ayay Kooxo Cadaw ah isku dayeen in ay idilaan, Bambo ayay igu tuureen aniga oo sii gelaya Guri aan deganaa ilaahey waa ibad baadiyay laakin waan baaraynaa cidda gaysatay falkaasi cadawtooyo”ayuu yiri Barre Cali Barre.
Weerarkan lagu qaaday Sarkaalkan sare ee katirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa imaanaya xilli uu dhawaan kasoo horjeestay Midnimadii uu Sheekh Xasan Turki lagaaray Ururka Hubaysan ee Al Shabaab.
Weerarkan lagu qaaday Barre Cali Barre ayaa Mad madow badan kala dhax gilinaya Al Shababa iyo Xisbul Islaam oo maalmihii lasoo dhaafay isku khilaafsanaay qorshe ay ku doonayeen in ay ku Midoobaan.
