Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani Ka Akhriso
Taageerayaasha KULMIYE ee Lixda Gobol oo Buuxin Waayey 100 Mitir oo Masalaha ah
Hargeysa(Yoo)-Taageerayaasha Lixda Gobol ee Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE oo ay weheliyaan kuwa Xisbiga Mucaardka ee UCID, ayaa buuxin waayey Boqol Mitir oo ka tirsan barxada weyn ee ka horaysa Madaarka Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ku samaynayeen dammashaad ay ku soo dhoweynayeen Guddoomiyaha Xisbigooda Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo Axadii Toddobaadkii ina dhaafay dalka dib ugu soo laabatay, ka dib markii uu soo dhamaystay booqasho uu ku tegay dalka Maraykanka.
Daraasad uu Wargeyska Yool ka sameeyay dadkii ka qayb qaatay dhoola-tuska Isu-soo-baxa taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ay ku soo dhoweynayeen Guddoomiyahooda, ayaa waxa aanu ku ogaanay in Boqolkiiba Lixdan (60%) dadkii ka qayb qaatay ay ahaayeen dhalinyaro isugu jirtey Wiilal iyo Gabdho. Kuwaasoo ahaa, sida daraasadu sheegatay qaar Mab'da ahaan aan u aaminsanayeyn ah-daafta Xisbiga KULMIYE, haseyeeshee ay ka qayb galka isu-soo-baxaas ku keliftay asbaabo la xidhiidha XARAABAYSI iyo MADA-DAALLO, waxa ay dhalinyaradu u taqaan.
Waxa kale, oo daraasadu sheegtay in marka laga eego xagga Mab'da calaamad su'aal la saari karo waxyaabihii ay kala aaminsanyeen dadkii goobtaa isugu yimi iyo Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE Md. Siilaanyo, ka dib markii codkiisa si toosa looga soo daayey idaacada VOA-da, taasoo uu ku sheegay inuu u aaminsanaa Mab'da Federaalka, halka ay dadkaasina ka aaminsanyeen mu'qadsnimada Somaliland.
Geesta kale, waxa daraasadaasi daaha-ka-rogtay in taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee ka kala yimi shanta Gobol ee dalku ay tiradoodu ahayd Boqolkiiba Labaatan (20%) marka loo eego dadkii ka qayb galay soo dhoweyntaasi, kuwaasoo ahaa qaar ka soo qayb galkoodu uu ku salaysanaa hab-caadifadaysan, balse habayaraatee, aan wax Mab'da ah ku socon. Isla markaana ka cadhooday hadalkii ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenka Khaarajiga Somaliland oo keliya.
Haddabaa, waxa aan shaki ku jirin arintaasi ay isweydiino faro badan ka dhex abuurayso bulshada reer Somaliland, taasi oo sababi karta in marka danbe isku dhac ka dhex dhasho shacbiga Somaliland ee hadda iyagu nabada ku wada nool, si markaa taas looga badbaado, waxa laga rabaa in Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo uu bulshada u kala cadeeyo halka uu ku aadan yahay mawqifkiisa siyaasadeed ee dhabta ah, isagoo taasina u marinaya Warbaahinta Maxaliga ah iyo tan dibedda labada-ba, si la mid ah dhawaqiisii hore ee shacbiga ka dhegysteen idacada VOA-da.
Cuqaasha Galbeedka Burco oo ku Hanjabay inay ka Jawaabi Doonaan Hadalkii ka Soo Yeedhay Siilaanyo ee Federaalka
Hargeysa(Yool)-Cuqaasha gudiyada iyo Odayasha Beelaha Galbeedka Burco, ayaa baaq wada jir ah oo ay Salaasadii Toddobaadkan soo saareen, waxa ay ku sheegeen inay jawaab cad ka bixin doonaan hadalkii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee ku saabsanaa Mabda'iisa Federaalka.
Cuqaashaasoo oo ka koobanaa ku dhowaad afartaneeyo, waxa ay baaqooda ku sheegeen in hadiii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu mar dambe ku celiyo hadalkii uu ka sheegay Idaacada VOA-da ka bixin doonaan jawaab cad. Iyaga oo carabka ku dhiftay in hadalkaasi ahaa mid dhaawac weyn u geystay dadka reer Somaliland, isla markaana waqtigaa uu Guddoomiyaha KULMIYE ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo horjeeday arintaa.
Waxa kale, oo kooxdaasi Cuqaasha ahi ay soo qaateen dhawaqii kan la midka ahaa ee Guddoomihii Ururkii SNM Marxuun Cabdiraxmaan Tuur uu ka sheegay Magaaada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay carabka ku dhifteen in shacbiga reer Somaliland ka wada dheregsan yihiin waxyeeladii ka dhalatay. Haddabaa, warkaasi oo faah-faahsan, waxa aanu bulshada ugu soo gudbin doonaa Caddadka dambe
Somaliland oo ka Hadashay Qaraxii ka Dhacay Laascaanood
Warar xiisoleh= Wargeyska Yool,
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 490 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 26 Replies
- 1533 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 0 Replies
- 368 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 1 Replies
- 772 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 3 Replies
- 635 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 1765 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 11 Replies
- 1170 Views
-
Last post by jalaaludin5
-
- 24 Replies
- 1299 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 344 Views
-
Last post by Barkhadd
-
- 7 Replies
- 1232 Views
-
Last post by Cirwaaq