Page 1 of 1

Boy Kills His Mom.

Posted: Sat Feb 06, 2010 5:57 am
by zingii
Friday, February 05 @ 10:04:34 EST



Sid uu Warbaahinta u sheegay Maxamed Amin (Wacdarcamey) oo ah Wariye ku sugan deegaanka Dhadhaab ayaa waxaa xalay Fiidkii ku geeriyootay hooyo Somaaliyeed xerada Dhagaxleey oo kamid ah Xerooyinka Dhadhaab, kadib markii uu wiilkeeda haraanti ama laad ugu dhuftay wadnaha.



Qisadan ayaa la sheegay in ay timid xili hooyada Dhimatay Alla ha u naxariistee ay garaaceysay wiilkeeda oo dhowr iyo Toban jira,taas oo ka dhalatay in wiilka uu laad/haraanti ku dhufto hooyada dhashay.


Maxamed Amin Wacdarcamey ayaa inoo sheegay in hooyada dhimatay aan Isbitaalka lala gaarin, waxaa kaloo u sheegay in ciidamada amaanka ee xerada Dhagaxley oo uu falkaasi ka dhacay ay xireen wiilka kiiskan gaystay, halkaas oo ay su'aalo ku weydiinayaan Police-ka.


Warar soo baxay ayaa sheegaya in wiilka uusan si kas ah ama ku tala gal ah uusan haraantida/laadka ugu dhufan hooyadiis, hase yeeshee Police-ka ayaa weli suaalo weydiinaya, si uu cadeyn u helo.


Dadka ku nool xerada qaxootiga ee dhagaxley oo kamid ah xerooyinka dhadhaab ee dalkan Kenya ayaa waxa ay arintan ka muujiyeen walaac daran, iyagoona ka murugsan qaabka ay wax u dhaceen.


Dilalka noocaan oo kala ah ayaa ku sii badanaya Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab Kenya, iyadoo Jimcihii la soo dhaafayna ay ahayd markii dhacdo ka duwan tan ay haweenay toorreey ku dishay gabar,halka gabar kalana ku dhawaacday, taas oo iyadana argagax ku abuurtay dadka qaxootiga ah.



C/laahi Axmed Nur
Nairobi, Kenya.

Gedowebnews@hotmail.com

http://gedoweb.com/index/modules.php?na ... e&sid=3561

Re: Boy Kills His Mom.

Posted: Sat Feb 06, 2010 5:59 am
by zingii
:shock: