Breaking News: SSC Garad's Take A Stand Against Somalidiid!
Posted: Mon Feb 08, 2010 5:20 pm
Shirkii Issimada SSC ee Buurowadal oo maanta soo xirmay, qodobo badanna laga soo saaray.
Buurowadal, Feb 08 – Waxaa maanta si rasmi ah u soo gabagaboobay shir weynihii tuulada Buuro-wadal kaasi oo muddo 10 cisha ah halkaasi uga socday duqayda dhawanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Shirkaasi oo looga arrisanayey aayaha iyo umadnimada dadyawga deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxaa ka qayb galayey salaadiinta dhaqanka ee caanka ka ah gobolladaasi kuwaasi oo iskugu jira garaaddo, ugaasyo, nabaddoono iyo caaqiliin, waxaana sidoo kale shirka ka qayb galayey culimo awdiin, ganacsato, aqoonyahanno iyo ururo kaleeto oo aad ku tiro badan oo ay ku jiraan kuwa haweenku.
Shirka oo ahaa mid dhaqan ayaa lagu lafo-gurayey arrimo badan oo dhinacyo kala duwan taabana, waxaana si gaar ah diiraddu u saarnayd xaaladda nabadeed midda, dhaqan, tan bini’aadantinimo ee ka jirta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, gaar ahaan waxaa si gaar ah looga falanqooday xaaladda magaalada Laascaanood oo muddo dhawr sano ah gacanta ugu jirta maamulka Somaliland, kaasi oo issimadu ay ku tilmaameen in ay ka jirto xaalado qallafsan oo ay ka mid tahay cabburin iyo daadis lagu hayo dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood.
Shirka oo ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen ayeysan ka horimaan wax caqabad ah oo hakiya habsami u socodkiisa muddadii loo fadhiyey Buulowadar, kaddib markii laga soo wareejiyey degmada Holhol oo maamulka Somaliland uu diiday shirkaasi issimadu in uu ka furmo.
Salaadiintii dhaqanka iyo waxgaradkii kale ee ka soo jeeday gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kana qaybgalayey shirkii tuulada Buurowadal ee muddada 10 cisho ah soconayey ayaa isla meeldhigay dhammaan waxyaabihii ay ka wadahadlayeen, waxayna soo saareen bayaan dhawr qodob ka kooban oo ay ku cadyihiin go’aamadii ay isla meeleeyeen.
Qaybta hore ee qoraalka issamada, waxaa si kulul loogu weeraray maamulka Somaliland oo ay ku tilmaameen in uu yahay maamul Somalinimo diid ah khasabna ku jooga dhul aan shacabkiisu taageersanayn, waxaana sidoo kale lagu sheegay qoraalkaasi in maamulka Somaliland uu si arxan darro ah uu ula dhaqmo dhammaan dadka shacabka ah ee deegaannadaasi ku nool.
Garaad Maqsar, oo ka mid ahaa salaadiintii dhaqan ee shirkaasi ka qaybgalayey muddadii uu socday ayaa halkaasi ka akhriyey go’aamadii shirkaasi laga soo saaray ee ku saabsanaa waxyaabihii laga wadahadlay kaddibna la isla gartay, waxaana ka mid ahaa.