shirkii ismada dhulbahante uga socday buurowadal oo soo gabagaboobay' go'aanana laga soo saaray
shirkii in indhawaale iga socday garaadada beesha dhulbahante. Buurowadal iyo Holhol. ayaa soo gabagaboobay go'aamona laga soo saray'
Go�aamada iyo Nuxurka kasoo baxay shirkii isimada ayaa u dhignaa sidatan:-
Shirkii Gollaha Isimada Dhulbahante Ee Holhol iyo Buuro Wadal:-
Waxaa shir is waraysi iyo wada tashi ku yeeshay magaalada Buuro Wadal dhamaan isimada dhulbahante,shirkaas oo horaantii lagu qabtay magaalada Holhol ee uu gogosha dhigay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
Isimadu waxay falanqeeyeen mudarada ka haysata dadkooda duulaanka ah ee Jabhada Soomaalidiidku kusoo qaadeen qaybo kamid ah deegaamadooda,duulaankaas oo keenay barakac baahsan dadkiina ku dhibaataysanyihiin xryaha qaxootiga Ee Kenya,Ethiopia,Yemen iyo Xarumaha gobolada kale ee soomaaliya.
Waxaa nasiib darro ah in wadamada daneeya arrimaha soomaaliya iyo hay�adaha caalamiga ah ayna wax gargaara soo gaadhsiin dadkaa tabaalaysan isla markaana aanay dhaleecayn jabhadii ka danbaysay fal danbiyeedka loo gaystay shacabka magaalada Laascaanood.
Saddexdii bilood ee ugu danbeeyay waxaa xarunat deegaamada SSC ee magaalada Laascaanood ka bilaabmay qaraxyo iyo falal argagixiso oo ay ka danbeeyeen maamulkaasi,si ay fasax ugu helaan cabudhinta iyo xidhxidhka shacabka reer Laascaanood,waxaa xabsiyada magaalooyinka Mandheera,Caynaba,Burco iyo magaalada Laascaanood ku xidhxidhan ganacsato,Culumaa�udiin iyoSiyaasiyiin iyo Odayaal aan wax denbi ah galabsan.
Waxaa kaloo la barakiciyay walaalahayagii soomaaliyeed ee kasoo haajiray colaadaha ka aloosan gobolada Koonfureed oo hoy iyo hantiba ka yagleeshay deegaamadayada.
Hadaba waxaanu la socodsiinaynaa UN,Urrur goboleedka IGAD,AU,Arab League,Dawlada Federaalka iyo cid kasta oo danaysa nabadgelyada geeska afrika haddii aanay xal degdega u helin kasaarida ciidamada gardarada aan geedna loogu soo gaban ku jooga deegaamada SSC in uu ka aloosmi doono dagaal raga oo riiq dheeraada yeeshana wejiyo badan.
Hadaba waxaa muuqata in jabhadaasi aanay wax dana ka lahayn dadkooda maadaama dadka ay ka dhaxayso ceelka,carshinta iyo Cawkuba.
Haye Yeeshee marnaba uma dulqaadan doono in dadkayaga la dibindaabyeeyo iyadoo qabiil usoo huwanayo hagoog maamul.si xol loogu helo dhibaatooyinka haysta dadkayaga waxaanuna si wada jir ah isula qaadanay qodobadan.
1.Waxaa samaynay Guddi La yidhaahdo Khusuusi.
2.Khusuusigu wxuu ka koobnaan doonaa 21 xubnood,saddex kamid ah dumaryihiin.
3.Khusuusigu wxuuu awood u leeyahay inay ansixiyaan ama bedelaan hogaankii lagu soo dhisay Nairobi.
4.Khusuusiga waxaa soo xulaya beelaha waxaana ansixinaya Isimada.
5.Khusuusigu waxay iska dhexdooranayaan gudoomiye,G.kuxigeen iyo Xoghayn.
6.Khusuusida waxay mudadoodu ku egtahay sanad iyo badh laga bilaabo maalinta la ansixiyo.
7.Khusuusiga waxaa lagu keenayaa mudo dhan 10 cisho laga bilaabo maalinta gudoonku soo baxo.
8.Khusuusiga waxaa kala diri kara isimada soo saxeexay 2/3 cod.
9.Shuruudaha Lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad u gaara.
F.G:Isimada ayaa kala hadlay Puntland Hogaankii Nairobi inay soo galaan gudaha si ay ula kulmaan Khusuusida.
B.WACYI GELIN.
Waxaa la dirayaa laba wefdi oo ka kooban Isimada,Cuqaasha xubno kamid Khusuusida waxaa look ala dirayaa deegaamada SSC si ay dadka ugu soo baraarujiyaan xaalada adage lagu jiro iyo sidoo looga bixi lahaa.
C.DHAQAALAHA.
Dhaqaaluhu waa laf dhabarta lama huraanka ah ee loo baahanyahay waana arrin aan la�aanmteed waxba suuroobi karinwaxqabad rasmi ah,waxaa laysku raacay dood dheer kadib in laga raadiyo jaaliyadaha dibada iyo gudaha,wixii faahfaahin waxaa qeexaya xeer hoosaad u gaara.
D.PUNTLAND
Sida la wada ogsoonyahay saddexdii maamul ee ugu danbeeyay midba midka kale waa uga dayac iyo hagardaamo badnaa waxayna sahleen in la qabsado laguna fido qaybo kamid ah deegaamada SSC,waxayna curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deegaamadooda.
Sidaa daraadeed dhaqan iyo shacaba waxaa u cadaatay in xukuumada hada jirta aanay diyaar u ahayn waxbaqadka hawshaa,hadaba waxaanu go�aansanay in xaajadaa loo wajaho hab qabiil hormuudna aanu ka noqono beel ahaan,xukuumada waxaanu ku qiimaynaynaa hadba sida ay ka yeesho hawshan manta la gudoomiyay.
Waxaan marnaba la ilaawi Karin taageerada naf iyo maalba lahayd ee ay muujiyeen shacabka reer Puntland iskudayadii la curyaamiyay ee lagu soo celin lahaa gobolada SSC hadana waxaa looga baahanyahay Taageero Hiil iyo Hooba Leh.
Magacyada Isimada Saxeexay-
1.Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
2.Garaad Saleebaan Garaad Max�ed Garaad Max�ud
3.Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
4.Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe.
5.Suldaan Siciid Cismaan Cali.
6.Garaad Abshir Saalax
7.Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur.
8.Garaad Cali Buraale.
9.Boqor Cabdilaahi Axmed Cali
10.Garaad Cabdisalaan Xasan Max�ed.
11.Garaad Max�ud Cismaan Mashqarre.
12.Garaad Saleebaan Buraale Aw Aadan.
13.Garaad Cabdilaahi Max�ed Guuleed.
14.Ugaas Faarax Max�ud Cali.
xigasho.lasanod.com
www.somalireal.com
Allow Amuurah sahal, rag baa libaax seexday salaaxey
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Talo alle udaa
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2739
- Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
- Location: Evaluating the African mind
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 606 Views
-
Last post by djibsomali
-
- 13 Replies
- 716 Views
-
Last post by RuralMan08
-
- 0 Replies
- 274 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 1 Replies
- 268 Views
-
Last post by Gatspy
-
- 10 Replies
- 467 Views
-
Last post by Posta Boy
-
- 5 Replies
- 330 Views
-
Last post by Executive
-
- 17 Replies
- 1132 Views
-
Last post by Libaax*
-
- 2 Replies
- 588 Views
-
Last post by BosasoShaam
-
- 64 Replies
- 3093 Views
-
Last post by SupEr_LaDy
-
- 0 Replies
- 486 Views
-
Last post by Runloow101