ina aadan wrote:Reer samata sow maadan ahay
hadaad tahay waxaan rabaa inaan wax kaa waydiyo
waayo qaraaban nahay reero badan oo reer samatar oo caan ka ah hargaysa
iyo dagaalkii arab iyo sacad muuse ee reer samatarka looga baxay
waagi aad balidoogle qabsateen ee markii damde ay gabayada u qaadi jireen arabku
baligubade wakaad lahayd baylah baan ahaye
baarki lagaajary boqolaal ma loo dilay
Haa inadeer gabaygaasi wu jiray dagaala dhex maray Jiilibyo ismacil jabrile ah iyo Arabka
Siiba reer samatarka iyo reer libaanka
64 na dagaalo ba aan aya dhex maray Reer samatarka iyo arabka hargeisa gudahiise. Nin bay diileen Arabku Nin reer libana ah Ayey Dillen arabku Marki Ay dileen aya Nimanka Reer Liibaan yidhaheen Mag ma rabno Ninka Reerkisanu Soo leynayna Dagaalku halkaasu ka bilaabmay 100 nin oo arab ayaa lo dilay , Kabacdi dagaalki marka la yidhi ergo ha lo diro oo hala heshisiyo waxa dhacday salaadin ergeyo sacadmuse aya goobti u socday si ay u la heshiyaan, qollada arabka, Arabki wax foolxun ayey sameyeen Salaadinti iyo Cuqaashi sacadmuse bey dabin u dhigeen odayaashi bay dileen

nabbadoonka ah. Dagaalki wa si socday Baligubudle la la isla gaadhay Baligubudle oo ahayd magaalo ay arabku daganayeen iyo qeybo ka mid ah Nuux ismacilka . Markasu Nin la yidhahow Cabdi ihun oo arab ah aya gabay ka tiriye oo wuxu yidhi
Baligubadle waatad lahayd, baylah baan ahaye
Barkadii lagaa qoday miyaan, balagsi loo laacin
Bilcilkii lagaa jaray miyaan, Boqol Nin loo toogan.
Bar cosoba, bannaan iyo Afmeer, ban iyo ay doogle
Lo'dii budulka wayneyd miyaan, biidna laga waayin
Baabuur nin fuuloo ku maray, balalaf mooyane
Nin bilayska joogoo Askari, bixiyo mooyaane
Basar nin u talaabsada miyaan, baqo ku weynaannin
Reer Samatarkii boodsanaa, baydihii dhiga e
Barqa jabinnay Reer Nuux hadday, bilic lahaayeene
Iyagana Cismaanada burburay, waa badh kuma taale
Markii bacadka wayn la iska helay, burur Makaahiile
Bawdyaha ka jabe Reer Cabbane, booddadii hore'e
Dadka kale wuxuunbaw baxsaday, baaqina u noole
Waata itaalkii Bah Gobo, biidka loo rogaye
Buur lama tantoomoo gacmahu, waa ku bururaane
Hadaan Boqorku Reer adag ka dhalan, lagama baydheene
Anaa badan, anaa badan, ninkii Bad iyo Daad sheegta
Waxaan nahay buskii laacayiyo, boodhki fuuqsadaye