Banaadir: Hundreds of heavily armed mujahideen have poured into Xamar



Xoogag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo Muqdisho soo galay
Ciidan aad u badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka islamarkaana kamid ah xoogagga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Xoogaggan ayaa xalay lug ku soo maray wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana hareeraha wadooyinka taagnaa dad weyne aad u farabadan kuwaasi oo ku dhawaaqayay Takbiirta.
Ciidamadan xalay soo galay magaalada Muqdisho islamarkaana katirsan xarakada Shabaab ayaan la ogeyn u jeedada ay Muqdisho u yimaadeen hase ahaatee imaanshiyahooda waxa auu ku soo beegmay xilli xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay wado diyaar garow ku aadan dagaal ay kala hortagto ciidamada dowladda KMG ah oo taageera ka helaya Kuwa shisheeye ee Muqdisho jooga.
Goob joogayaal ku sugan deegaanka ceelasha biyaha ayaa u xaqiijiyay idaacada Al-furqaan in ay indhahooda ku arkeen Xoogagan katirsan Xarakada Shabaab oo ka soo gudbay ceelasha islamarkaana ku soo jeeday magaalada Muqdisho.
Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa maalmahan ka jiray magaalada Muqdisho xilli dowladda KMG ah ay dhankeeda sheegatay in ay u diyaarsanyihiin ciidamadeeda.

Mogadishu is a gold mine, no one is willing to give it up.
