Warkii 10-Feb-2010 iyo Qormadii: Abdirahmaan Ahmed Sayn
Laascaanood-Waxaa manta booqasho ku tagay Xabsiga wayn ee magaaladda laascaanood Wasiirka Cadaaladda Somaliland Casoowe Xasan Bisaas iyo Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade,iyagoo halkaas u tegey inay indha-indheeyaan xaalada xabsigaas,iyo sida uu u shaqeeyo.
Hadaba Markii waftiga wasiirku Galay Xabsiga, si uu u eego xaalalda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka ku xidhxidhan xabsiga dhexe ee magaalada, maadaama uu wasiirku yahay wasiirkii cadaalada,ayaa waxa xabsigii si lama filaan ah u yimid ciidan ka tirsan ciidanka Somaliland,kuwaasoo wata gawaadhida tiknikada,iyagoo sida la sheegay u qaatay in maxaabiista la sii daynayo,kuwaas oo ay ku jiraan rag ku eedaysan dilkii taliyihii qaybta 12-aad oo ku dhintay qarax ka dhacay magaalada.Ciidankaas ayaa waxa ay gawaadhidda gaashaaman ku gooyeen albaabka hore ee Xabsiga iyagoo sheegay inaan cidina ka baxayn cidina gelayn xabsiga,iyadoo halkaas ay horay ugu sugnaayeen ciidanka asluubta oo sugayey amniga xabsiga.
Ciidamadan oo dadka magaaladu ku sheegeen inay yihiin ciidan ka soo jeeda degmada Burco ayaa waxay jifo hoose yihiin taliyihii la dilay.
Hadaba Markii ay dhamaan ciidamadii booliiska iyo asluubta ee gobolka Sool ee joogay xabsiya iyo saldhiga,lana garan kari waayey cida ciidankani u shaqaynayaan,isla markaana loo tuhmay inay ku shaqaynayaan hab qabiil, ayey iyana isku gadaameen dhamaan xabsigii oo dhan, halkaasna waxaa ka dhacay Car iyo Car,waxaana ciidankaas oo aan sidaa u badnayn lagu amray inay hubka dhigaan.
Kadib markii ay arkeen wasiirka iyo Siyaasi ahmed in xaalku marayo meel xaasaasi ah,oo ay mudo saacad ah ka shaqaynayeen nabad iyo in xaaladu ku soo noqoto si caadi ah, ayaa ciidankii codsaday in loo ogolaado inay xeradoodii ku noqdaan,kadib markay arkeen cududa ciidan ee ku hareeraysan.
Maraan ciidanka Xabsiga qaar ka mid ah khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa waxa uu noo sheegay in masuuliyiintani ay booshadoodii sii wateen, ilaa ay dhamaan maxaabiistii iyo jeelkiiba soo wada mareen,waxayna maxaabiista ka waraysteen xaaladahooda caafimaad iyo nololeed.
Wasiirka ayaa u yeedhay taliyayaasha ciidanka,isagoo ka codsaday in ciidankaas talaabo laga qaado,mar danbena aan lagu arag gudaha magaalada,iyagoo raaligelin ka bixiyey falkaas ay ku kaceen.
Taliyayaasha ciidanka ayaa cudur daar ka dhigay in ciidanka si khaldan wax loogu sheegay,oo aanay ogeyn booqashada waftiga wasiirka cadaalada.

Source afnugaal.com