"Wufuudii ugu cuslayd ee xisbiga UDUB ka socota oo maanta ..

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

"Wufuudii ugu cuslayd ee xisbiga UDUB ka socota oo maanta ..

Post by ToughGong »

Soo gaadhay Burco,DAAWO

Wufuudii ugu cuslayd ee xisbiga UDUB ka socota oo maanta Soo gaadhay Burco,DAAWO SAWIRADA Burco: (Qaran news)- Xoghayaha guud e xisbiga UDUB Jaamac Yasin Faarax iyo Guddomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB, ayaa maanta abbaaro 11:kii subaxnimo soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, Jaamac yaasin faarax iyo wefdigan uu horkacayey ayaa waxa si ballaadhan ugu soo dhoweeyey duleedka bari ee magaalada Burco masuuliyinta gobolka Togdher, heer degmo illaa heer gobol, masuuliyiintan soo dhoweysay xoghayayha iyo wefdigiisa waxa ka mid ahaa Badhasabka Gobolka Jaamac C/laahi Biin , Badhasaab xigeenka Gobolka Tog-dher Guuleed Dahir samatar ,maayarka magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan Dhegolaab iyo sidoo kale masuuliyin sar sare oo ka tirsan xisbiga Udub, sidoo kale waxa isna soo gaadhay Burco oo ay isku mar soo galeen wefdiga Xoghayaha wefdi kale oo uu horkacayay Guddomiyaha Ololaha Doorashoyinka ee Xisbiga UDUB Mr. Cisman C/lahi Cigaal CISMAN HINDI, oo isagana ay soo dhoweyen madax sarsare oo ka tirsan xisbiga waxana labada wefdiba lagu so dhoweyey xarunta Xisbiga, wufuudan oo masuuliyiintii so dhoweyey ay ka mid ahayeen Guddomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer Mr.ayaanle ,Guddomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga Marwo Sahra Dubad ,iyo weliba Guddomiye waaxeedyada kala duwan ee xisbiga UDUB

Image
Image
Image
Image

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB mr Jamac Yasin Faarax oo ka soo galay dhinaca bari ee magaalada Burco kana soo kicitimay saaka magaalada Caynaba ayaa soo maray Gobolo,Degmooyin iyo tuulloyin badan oo Bariga ah, waxanuu safarkiisan uu Burco ku yimi u muuqdaa kii uu ku soo gebogabaynayay safaro uu ku gaalaa bixinayay deegaanadaas

Image
Image

Hadaba waxa xarunta xisbiga UDUB Hortiisa oo loogu talo galay in wefdigu uu kula hadlo Imagewuxuuna ka dalbaday taageryaasha inay si weyn ula soo dhoweyaan labada wefti isagoo gaadhsiiyey salaan ballaadhan iyo hambalyo Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo Guddomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB Cisman Hindi, intaas ka dib waxa halkaas isna hadalo kooban uga soo jeediyey taageeryaasha xisbiga Udub Guddomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB MR.Cisman Hindi, kadib waxa mikirrifonka la wareegay xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Mudane Jamac Yasin Faarax, wuxuu taagerayaashii iyo shacabki tirada badnaa ee hor tubnaa BARXADDA hore ee xarunta xisbiga UDUB ee gobolka togdheer u sheegay ujaadada safarkooda, isagoo ka dhawaajiyey in safarada ay ku marayaan gobolada iyo degmooyinku aanay ahayn ololihi ee ay yihiin xog ururin iyo indho indhayn Guud oo ay ku samaynayaan shacabkooda ku kala firirsan gobolada dalkoo dhan, wuxuuna sheegay in ay laba wefti u kala baxeen oo weftina loo diray Galbeed weftina loo diray Bari maantana ay labadi wefti goobtan wada joogaan oo ah Burco.
Image

Waxa iyaguna madashii soo dhoweynta wufuuda xisbiga UDUB ka hadlay Badhsaabka Gobolka Jamac C/laahi Biin iyo masuuliyin kale. Sidoo kale waxa madashii soo dhoweynta Hadhuub Caano ah lagu Guddonsiiyey Horkacayaashii Labada wefti waa Mr, Cisman Hindi iyo Jamaac Yasin Faarax e, waxaana halkaas ku Guddonsiisay hadhuubka caanaha ah Guddomiyaha Cusub ee Garabka Haweenka ee Xisbiga Talada Haya ee UDUB Marwo Sahra Dubbad Axmed oo dhowr iyo tobankii bishii Hore lagu caleemo saaray Hotel Cigal ee magaalada Burco . Soo dhoweyntan qiimaha badnayd ee loo sameeyey weftiga Xoghayaha Guud iyo weftiga Guddomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB ayaa ahaa mid maalmihii u danbeeyey ay u dhegtaagayeen taageryaasha xisbigu, waxana markii munaasibadu dhammaatay loo gelibbiyey wufuuda dhinaca HOTEL IGAL oo badanaa wefdigu marku yimaado ay degaan, isagoo intii aanu madasha ka dhaqaaqina xoghayuhu sheegay in uu joogi doono maalmo kooban lana kulmi doono madax dhaqmeedyada iyo shacabka Gobolka.

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”