Page 1 of 2

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 12:20 pm
by AbdiWahab252
Wasiirkii Isboortiga Soomaaliya oo goor dhaweyd Sacuudiga ku geeriyooday

Image

Wasiirkii Isboortiga Soomaaliya-Saleebaan Colaad Rooble oo Sacuudiga ku geeriyooday
Jimco, 12 February 2010(HOL): Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday Magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga Wasiirkii Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ahaa dadkii uu dhaawaca culus ka soo gaaray qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho ka dhacay 3-dii December ee aanu ka soo gudubnay.



Wasiirka ayaa wuxuu qabay dhaawac culus, waxaana dalka Sacuudiga loo geeyay in looga daweeyo dhaawacii qaraxaas ka soo gaaray. Alle ha u naxariistee Wasiirka ayaa wuxuu ahaa qofka ugu dhaawaca culus, marka loo eego dadkii dhaawacyada kala duwan qabay ee Sacuudiga lala geeyay.




Waxaa qaraxaas ku geeriyooday: Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadan Cali, Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow iyo Wasiirka Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel
Qaraxii uu Wasiirka ku dhaawacmay ayaa waxaa ku dhintay Seddex Wasiir oo ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo kala ahaa Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Wasiiraddii Caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo Wasiirkii Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel. Sidoo kalena qaraxaas waxaa ku geeriyooday hormuudkii Jaamacadda Banaadir Prof. Maxamed Warsame Shahiid, waxaana dhaawac iyo dhimasho ay ka soo gaartay Dhaqaatiir shaqeyneysay iyo Dhaqaatiir Jaamacadda Banaadir ka qalin-jebineysay.



Qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacay 3-dii December 2009 ayaa wuxuu ahaa mid uur-ku-taallo iyo xanuun ku reebay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna qaraxaas oo uu fuliyay qof ismiidaamiyay uu ahaa mid lala eegtay dad biri-ma-geydo ah.



INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online



Image

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 12:22 pm
by Hyperactive
Allah yarhamo.
are you sure the first pic is somali ?

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 12:23 pm
by AbdiWahab252
Hyper,

Yes, the Marxum belonged to Beesha Jareerweyn. He was one of the most educated members of the TFG.

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 12:24 pm
by Hyperactive
ooh okay.

Allah o nahareesto.

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 12:25 pm
by Foxy22
Innaa lillaahi hyper! behave eedo!

Allahu Yarxama

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 12:25 pm
by Hyperactive
Foxy22 wrote:Innaa lillaahi hyper! behave eedo!

Allahu Yarxama
okay. :oops:

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 12:27 pm
by qoraxeey
Illahaay ha uu naxaristo

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 12:44 pm
by Ganjaweed
Allah yarxamuhu.

Shahiid Saleebaan Colaad dies of wounds

Posted: Fri Feb 12, 2010 1:14 pm
by AhlulbaytSoldier
Wasiirkii Dhalinyarada iyo Sportiga ee dowladda KMG Soomaaliya oo galabta ku geeryooday Isbitaal ku yaala dalka Sacuudiga.
Posted: 2/12/2010 7:17:00 PM
Shabelle: RIYAAD.
Wasiirkii Dhalinyarada iyo Sportiga ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa galabta waxa uu ku geeryooday Isbitaal ku yaala dalka Sacuudiga halkaasi oo mudooyinkii dambe uu ku jiray.



Sida uu Shabelle u xaqiijiyay C/laahi Colaad Rooble oo ah nin la dhashay Saleebaan Colaad Rooble oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Sportiga ee dowladda KMG Soomaaliya waxaa galabta gudaha Isbitaal ku yaala dalka Sacuudiga ku geeray Saleebaan Colaad Rooble Wasiirkii Dhalinyarada iyo Sportiga ee dowladda KMG.



Waxa uu sheegay C/laahi Colaad Rooble in Wasiirka maalintii Qamiista aheyd lagu sameeyay Qaliin dhinaca Qoorta ah iyadoo uu tilmaamay in markii qaliinkaasi lagu sameeyay kadib in Wasiirku uu xaalad Koomo ah ku jiray, waxaana uu tibaaxay in gelinkii dambe ee maanta uu u geeryooday dhaawacyadii ka soo gaaray hotelka Shamow qaraxii ka dhacay 3-dii bisha December ee sanadii 2009-ka ee aynu soo dhaafnay isagoona intaasi ku daray in xiligan uu Meydkiisa yaalo Isbitaalkii uu ku jiray maalmihii aynu ka soo gudubnay oo ku yaala magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.


Ninka la dhashay Wasiirka ayaa waxa uu Idaacada uu Shabelle u sheegay in soo qaadista Meykadka ay u taalo Dowlada KMG ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



Wasiirkii Dhaliyarada iyo Sportiga ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu kamid ahaa dad faro badan oo ku dhaawacmay Qaraxii 3-dii Bishii December ee sanadii 2009 ka dhacay Hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho iyadoona Wasiirka xaaladiisa laga deyrinayay mudooyinkii ugu dambeeyey

Image

AUN,ilaahay ha u naxariistee

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 1:19 pm
by AbdiWahab252
Allahu naxaristo, the Marxum was one of the few bright men left in somali politics.

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 1:22 pm
by Xamud.
Ilaahey ha u naxaristo gacan ka xaq daran baa dhishay.

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 1:32 pm
by AhlulbaytSoldier
AbdiWahab252 wrote:Allahu naxaristo, the Marxum was one of the few bright men left in somali politics.

Shahid Saleebaan(raximullah) will never be forgetten.

Those who made the blood of muslims halaal will regret this in hereafter :down:

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 2:11 pm
by Dhaga Bacayl
ILAAHAY ha u naxariistu.

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 2:38 pm
by abdalla11
AbdiWahab252 wrote:Allahu naxaristo, the Marxum was one of the few bright men left in somali politics.
If he was one of the few bright men in the TFG, why did he get an insignificant post like wasiirka sportiga? :|

AUN

Re: INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Feb 12, 2010 3:26 pm
by Shirib
abdalla11 wrote:
AbdiWahab252 wrote:Allahu naxaristo, the Marxum was one of the few bright men left in somali politics.
If he was one of the few bright men in the TFG, why did he get an insignificant post like wasiirka sportiga? :|

AUN
Cause his qabiil doesn't have enough guns...It doesn't take a genius to figure that one out