Page 1 of 1

Abudwaq opens refugee camps for refugees from Dhusomareb

Posted: Sat Feb 13, 2010 6:15 am
by CoolPoisons
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca oo xeryo ay ugu talagaleen dadka ka barakacay dhuusamareeb maanta ka furay degmada Caabudwaaq.

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa xeryo ay ugu talagaleen dadka ka barakacay degmada dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud maanta ka furay degmada Caabudwaaq.



Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta Shaaca ka qaaday in qoysas Barakacayaal ah oo ka soo cararay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ay u sameyeen Xarun u gaar ah sida uu Sheegay gudoomiyaha arimaha bulshada ee degmadaasi.



Sheekh Max’uud Muuse oo maanta saxaafada kula hadlayay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu sheegay in barakacayaashaasi ay isugu jiraan kuwa ka kala yimid koofurta Soomaaliya iyo kuwa ka cararay dagaaladii Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.



Dadkaani ayaa la dajiyay Xero cusub oo maamulku uu sheegay in ay ku daryeelayaan waxaana ay ugu baaqeen hay’adaha samafalka in ay gar gaar la soo gaaraan dadkaani dhibaataysan,waxaana xaruntaani ay noqonaysaa xaruntii 7 aad ee ay ku barakacaan dad ka soo cararay gobolada dalka Soomaaliya.



Barakacayaashaani ayaa horay waxaa ay ula daalaa dhacayeen Dhibaatooyin ay ka mid yihiin biyo la’aan cunto yari iyo xanuuno soo wajahay qaar ka mid ah Caruurtooda,waxaana dhibaatadaani ay soo foodsaartay dadkaani xili hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ay sheegtay in ay hakisay raashinkii gar gaarka.

Re: Abudwaq opens refugee camps for refugees from Dhusomareb

Posted: Sat Feb 13, 2010 6:27 am
by qoraxeey
:up: :up: masha Allah