Page 1 of 1

dangerous gaby for ciidagale

Posted: Sun Feb 14, 2010 2:41 am
by hargaysaay
Waa gabaygii 4aad ee uu Cumar Fakad ku lahaa Silsiladda Daarood ku Fuul. Hordhaca gabayga dhawaan ayaanu soo gelin doonaa ee ha u daymo la' aanin.



Wuxuu yidhi Fakad:



Habka gabay Bashiiroow markaad, hagar ku sheegayso

Layskama hadaaqee inaad, hubiso weeyaane

Hanfado waalan waa lagu yaqaan, Hogoshka Iidoore

Hawhawda iyo faanku waa, hadhadhacdiiniiye

Horayna waxaad u eedeeni waa, hawl ogaan li’iye



Waxa kugu haboonaydi waa, dee hayaay jabaye

Hinbiriirsi baa kuu eg iyo, hoogaydii dumare

Adunbaa habasaamaye tolkaa, hoyey dhamaantiiye

Waxaad u hanbalyeyn malaha waa, hoygii aakharo e



Halkay maanta joogtiyo runtii, waad hareer mariye

Adunbaa hordhacay maansadii, hibadu saarayde

Hareeraha Awaariyo Dig iyo, Harada meesheeda

Hardankiyo dagaaladii ka dhacay, bal aan ka haasaawo



Rag is helay hujuun laba qabiil, hurisay baruuda

Habarwacasho hebel yaa lahaa, Hawsarku is dhaafay

Kolba libinta koodii hayuu, hadal u toosnaaye??

Hor Ilaahna inaa loo gabyaa, way haboon tahaye

Anigoo is huba beenna aan, idinku haasaawin

Hoodiyo nasiib geesinimo, hibo naloo siiye

Haddii nimay gashaa Reer Isaaq, hawd ku weerara e



Habar Yoonis iyo Ciidagale, Hoobiyuhu leefye

Haadkiyo waraabuhu ka dharag, halablahoodiiye

Iblayskii hogaanka u qabtiyo, haatufkii lumiyey

Halasuu ku shiday Reer Mataan, waana la hubaaye



Kuwii kibirka heeheetin jiray, hayta Damal Aadan

Hagoogtii xumayd iyo qabkii, waa huf iyo beene

Mar haddii dagaal laysku helo, hoorin ma hayaane

Hareeraha markii lagaga riday, hollaca baaruuda

Higta qoriga Baasuukahay, kala halaabeene

Huluushay galeen iyo cidlaa, bahal ku hiigaaye



Hindidibintii Guuleed Suldaan, horayba loo waaye??

Maantana halaag baa ku dhacay, hadimo waa weyne

Halbawlaha sidaanu u jaree, hanaq gu’ii gaadhay

Halac iyo waxa garan lahaa, halaqii dheeraaye



Cabdi Ciise waa kaa hingalan ee, la heensadaye

Hanbadii Dhurwaaliyo agoon, malagu soo hoyiyey

Haabaan inaan lagaga tagin, helay warkoodiiye



Halkii Reer Gobdoon loogu tagay, way hortaaganiye

Horweynkaa ka dida meydka yaal, hogobka maygaage

Huyuc iyo qunmuunkooda waa, lagu hunqaacaaye

Meydkooda yaa nooga hara, haadu cuni weyday



Waxa Yoonis kali loogu helay, waa hadhownimo e

Iyagaa halkii laga cabsaday soo, hadeedibaye

Haddii himilo leeyahay cidlada, kuma habaabeene

Dagaal lagu heshiiyaa haddana, looga hoos baxaye

Waxaa hoday kuwii soo hormaray ee, ………..

Habaskii bal daya uu libaax, ku haldadawsiiyey



Hantaataca Bashiir iyo wuxuu, ku hadlay beerkiisa??

Halna nimaan ogayn bay la tahay, inay wax haystaane

Hal-abuuradii Ciidagale, hooba lagu duufay

Dheegii horeeyiyo Bashiir, hal isma dhaamaane

Abidkoodba gabay aan hufnayn, way hirgaliyaane

Sida hawtulhamagoo kalay, halasa jiidheene

Iyagay hubsiin li’i dishaye, aan habka u sheega



War hudhudyahow intaad reer tolkay, hoos u kala qaybin

Amaad Reer Subeerka isku hurin, eed hurgumo baadhi

Eed Caliyo Haruun ka dhigi, maanta laba heeris

Hareertaada eeg waxaad Isaaq, habar agoontaysay



Kuwaad hiil ka sugi waa raggaad, horay u layseene

Hundihii Bulaaliyo waxaa Arab, halkaa yiilay

Habaw buu Hargaysa ula tagay, hiijaduu qabaye

Markaad maganta kala hoos baxdeen, kaa hayaan guraye

Hareertaada inay soo degaan, haw hiloobina e

Ma halmaantay hanadkii dhashiyo, hadaladii Faarax



Awal horay wuxuu kuugu nacay, waa dabkaad hurine

Intaad balada heeryeysan tahay, hiilla kugu diidye

Nabadaad hogaanka u jartee, lagugu haaraamay

Adunbay ku wada hiifayaan, kuna huruufaane

Markay taladu kaa hoostay bay, nala heshiiyeene

Heeshiga dhulkaygiyo nimcay, ka hirqanaayaane

Adiguu habaaskiyo ku dilay, hollac abaareede

Ma halmaantay inuu kaaga hadhay, hooda xumadiina



Haamaha yar yar ee Ciidagale, waad hamadisaane

Hanaqaadi maayaan intaad, u hanjabaysaane

Hantidiisa adigaa ka dhacay, hogolkii Guuleede

Horweynkooda sidii loola tagay, caydh la haajire e

Markii halaha soo celi Gahayr, looga hadhi waayey

Ergadii hagoognayd markay, daba hiqlaynaysay

Hal-abuurka gabayguu ku yidhi, waan hayaa waliye

Ma hoygii Makaad baan gubay, kaga huleeleene

Ma halmaantay hoobaan xeryaha, waata kuu hoyane



Abokor Muuse idinkaa haligay, oo halkaa dhigaye

Nimankaad habeen iyo dharaar, gibirka hoolaysay

Huqdi iyo caloolxumo u gale, hoyga Sacad Muuse

Maroodiga Hirmiyo Faafan iyo, hilada daaqaaya

Nimankaad hogaan bara ku tiri, hana la ii keeno

Haday maanta kuu hiiliyeen, haybna kula sheegan

Iyagana hadbaa nagu waday, lama hujuumeene

War meydkooda haadda u wadhnaye, ha iska hiinbaarto



Gaashaanbuuri waa niman hurdoo, hoos u foorara e

Iyagoon heshiis kula ahayn, hoog adaa badaye

Habaarkaad qabteen iyo dhibaad, ugu horseedeene

Hawadii la eediyo wadbaa, loo hadoodilaye

Maxay ku hadlayaan maanta waa, hadur raggoodiiye



Afartaa hordhaca maansadiyo, hadalo waayeel dheh

Hiddo gabay waw leenahee, hibo liibaan dheh

Cirkoo hooray hogol soo da’diyo, hagagacdii roob dheh

Hoobaan bislaatiyo nimciyo, Haradii Ciideed dheh

Ciidagale hanbooriga ku dhacay, oon haraatinay dheh

Libintay heleen Reer Isaaq, ku hadalkeedii dheh



War Ogaadeen hugoodiyo anoon, haybta sare gaadhin

Cabdilloon hirkaa iyo hirkaa, heega soo kicinin

Haruun Maxaadaar isagoo, kugu dul heedaaman

Halgamaagii Reer Cali isagoon, farasba heensaynin

Xataa horinta Guuled dhanayn, hawl kalaan jiraye

Makaahiilku wuu kaa hurdaye, soo hanbaabulanye

Hiiraan Bah Garidaa jirtaa, hawd usoo socone

Cawlyahan hubkiisii wataa, idin hareerayne

Oon hoorimaad culisi di’in, hayrafna is gaadhin??

Haddad haabso tidhi tobanka heer, haddiyad weeyaane

Horraantiiba Reer Fiqi Cigaal, way ku huriyeene



Waxaa hanadadiinii la dhigay, meel habaas badane

Hablaha ooyi dumarkaa hingalan, hoog la wada weeran

Heeliyo ciyaar ha ugu darin. Huga lagaa qaadye

Hawlaha dagaalkiyo adoon, harawadii joogin

Adigoo Hudheelada Carbeed, hilibka shiilaaya

Hooyaalaydaadiyo ka daa, hawtigiyo faanka



Heeshiga Bulaalaan cabnaa, hoorigii tiriyey

Halwadii xaggaa kuugu timid, waa huf iyo beene

Haamahay kasoo dhaamiyeen, harada Geedgeedle??

Ee hoosta loo dhigay cusbaday, kugu hanqaareene

…..

Hawadii xumayd iyo hadduu, hadalkii beenoobay

Ooydaan helayn meelahaad, u hanqal taagaysay

Hantidii lagaa qaadey ee, hayso shilinkaaga



Hareertuu ka galay Reer Wacays, heerihii guba e??

Iyagoo hamuunyeysan cadho, hiirta weerara e

Hinfidhkooda goortay arkeen, hiliblihii yaacye

Ma hanbayn halwihii kala ma hadhin, horoglayaashiiye??

Hardihii Baha Ciida Gale, hanatay dhuusawe??

Hiddaha waranku nimankuu fadhiyey, ku hanti Haaruune

Waxay hubkiina u furteen, waa halyeynimo e

Hanbalyo iyo salaan baan u diray, Hawd raggaa jira e

Anigoon hafrayn Reer tolkay, libinta kasoo hoye e



Idinkuna gacmahaad hoorsateenoo, waad haliganteene

Hiimhiimsigaad Ciidagaloow, hibasho ooyeyso

Yaa nala heshiiyaayda nabad, kuma helaysaane

Hab-nugeylku waa maxay, dagaal wuu hor leeyahaye!