The People's President to Tackle Piracy

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

The People's President to Tackle Piracy

Post by AbdiWahab252 »

Dr. Cabdinuur Darmaan oo ka shaqeynaya soo afjarida burcad badeedka Soomaalida.

Image

Dr. Cabdinuur Axmed Darmaan oo muddooyinkaan socdaalo ku marayay dalal badan oo kamid ah qaarada Yurub ayaa dalka Germany oo maalmahaan uu ku sugnaa kula kulmay mas’uuliyiin qaabilsan ammaanka oo dalkaasi ku sugan.

Dr. Cabdinuur Darmaan ayaa heshiis la saxiixday ASGAARD – GERMAN SECURITY GROUP (GSG) oo ah Hay’ada qaabilsan dhinaca ammaanka oo si weyn Yurub ugu howl-gasha fadhigeeduna yahay dalka Germany.

Heshiiskaan ay kala saxiideen Dr. Cabdinuur Axmed Darmaan GERMAN SECURITY GROUP (GSG) ayaa qodobada ku jiray kamid ahaa ka shaqeyn Nabadda Soomaaliya iyo sidii wada hadal lagu dhameyn lahaa wax kasta oo dhibaato ah oo ay kala tabanayaan kooxaha isku haya Siyaasada dalka Soomaaliya.

Heshiiskaan oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa ugu waa weyn sidii loo ciribtiri lahaa howlaha burcad badeedka Soomaalida wadaan oo Laf dhuun gashay ku noqday Caalamka oo dhan, iyadoo GERMAN SECURITY GROUP (GSG) ay sheegeen inay rumeysan yihiin in Dr. Darmaan iyo Xisbigiisa Jamhuuriga Soomaaliyeed ay soo afjari karaan howlaha burcad badeedka wadaan hadii lagu gacan siiyo.

Heshiiskaasi oo loogu magac darey "CIRIBTIRKA BURCAD BADEEDKA SOOMAALIYA" ayaa waxaa saxiixey Madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan iyo Madaxda amniga dalka Germany, waxaana dhawaan saacadaha soo socda qalinka ku duugaya Jasiiradda Cyprus, Japan iyo England, waxaana lagu wadaa in sidoo kale iyana ay saxiixaan waddamaha China, France iyo dalalka kale oo fara badan,

Nuxurka Heshiiska ayaa ah in guud ahaan la hakiyo howlaha burcad badeedka Soomaalida wadaan oo iyagu khatar ku ah kumanaanka Maraakiibta ah ee adeegsada marin biyoodka Gacanka Cadmeed iyo waliba Bad weynta Hindiya oo labada ee kullaala Xeebaha Soomaaliya iyo iyo sidoo kale Jasiiradda Seychelles.

GERMAN SECURITY GROUP (GSG) mas’uul u hadlay oo Saxaafada kula hadlayay magaalada Frankfort ayaa sheegay in Midowga Yurub kala kaashan doonaan howlaha lagu baabinayo burcad badeedka Soomaalida isla markaana ay la shaqeyn doonaan Dr. Cabdinuur Darmaan si u afjaro dhibaatada burcad badeedka ku heyso Caalamka.

“Darmaan waa Siyaasi da’da yar, aqoon Siyaasadeedna u leh sidii u baabi’in lahaa howlaha burcad badeedka isagoo dhaqan celin u sameynaya shaqooyina u abuuraya” ayuu yiri mas’uulkaan u hadlay GERMAN SECURITY GROUP (GSG).

Madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa doorasho si Cadaalad u dhacda gudaha magaalada Muqdisho sannadkii 2003-da loogu caleema saaray Madaxweynimaha dalka Soomaaliya, taasoi ay aqoonsadeen Mareykanka, Wadamada Carabka iyo dalal badan oo Caalamka ka tirsan.

Darmaan oo Saxaafada kula hadlayay isagana magaalada Frankfort ee dalka Germany ayaa yiri “Dowladeyda waxey awooda saareysaa baabi’inta howlaha burcad badeedka wadaan, xiriiro dhowr la sameeyay horjoogayaasha burcad badeedka aad ayayna u taageereen howsha aan wado, dhawaana waxaan tagayaa goobaha ay ku sugan yihiin burcad badeedka ee dalka Soomaaliya”.

Sidoo kale, qaar kamid ah horjoogayaasha burcad badeedka Soomaalida oo Saxaafada kula hadlay degmada Xarar-dheere ee gobalka Mudug ayaa aad u taageeray howlaha uu wado Dr. Cabdinuur Darmaan kaasoo doonayo inuu shaqadaasi halista ah ka joojiyo dhalinyarada Soomaaliyeed shaqooyin kalena u abuuro.

Darmaan waxuu ugu baaqay dalalka Caalamka ee gacanta ku haysa Dhalinyarada burcad badeedka Soomaalida ah qaarkoodna ay Maxkamadeeyeen in dib loogu soo celiyo gudaha dalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdiqaadir Axmed oo kamid ah horjoogayaasha burcad badeedka oo Xarar-dheere ku sugan xiligaan ayaa Saxaafada reer galbeedka u sheegay inay kusoo dhaweynayaan Xarar-dheere iyo Hobyo wafdiga uu hogaaminayo Dr. Darmaan ee dhawaan tagaya, waxuuna sheegay hadii shaqooyin fiican helaan lana maal-galiyo inay iska joojinayaan howlaha burcad badeedka ay ku jireen in muddo ah qataro badana kala kulmeen.

Dr. Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo isku daya inuu Shaqooyin u abuuro burcad badeedka Soomaalida si ay isaga daayaan howlaha qatarta ah ee muddo ay wateen, waxaana arintaan soo dhaweeyay AU, EU, Jaamacada Carabta, Mareykanka iyo dowlado badan oo sheegay inay taageero ku siinayaan howsha uu wado.

Dhibaato weyn ayaa arrimahaasi ka heysta waddamada Caalamka oo waxaa dhacda Burcadda Badeedii laga qabto Marin Biyoodka Gacanka Cadmeed in la siidaayo sababo la xiriira hannaanka sharcigii lagu lagula dhaqmi lahaa oo uu mugdi badani ku jiro,

Boqollaal Burcad Badeed ah ayaa lagu hayaa Xabsiyo ku yaalla Yurub, Afrika, America, iyo Asia waxaa jira Dalal badan oo heshiis hoose la galey dalka Kenya si loogu maxkamadeeyo kooxaha Burcad Badeedda waxaase muuqaneysa in heshiiskaasi uu ku jiro dal-dalool xagga sharciga ah iyadoo Maxkamadaha waddanka Kenyana ay u caal waayeen kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah laga soo qabto Badaha Caalamiga ah.
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by Voltage »

To be honest he looks like a doqon, like someone who had stunted growth as a kid.
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

Voltage wrote:To be honest he looks like a doqon, like someone who had stunted growth as a kid.
Image
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by SahanGalbeed »

First it was the daarod majeerten who were highly involved in this game. The int com gave them money ,piracy is no longer tolerated in Puntland (doesn't mean the majeerten have given up they just go South of Puntalnd or Nth like they tried linking with the warsangelis *) Now it's the coastal HG who are out of control .Well ..looks like the int com will have to bribe somebody from there to get a little break I guess . *the problem with the warsangelis is that they have WE the Isaaqs in their area ,and we don't tolerate that shit because it is not tolerable ! Not because America has said so or Germany. Peace Prosperity&Progress :sland:
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by AbdiWahab252 »

Sahan,

And your beef with the People's President is what ?


Voltage,

So you are now joining the league of those who judge politicians by looks :down:
User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by Sir-Luggoyo »

I don't think tackling the piracy is beneficial for Somalia. What the world calls pirates, we call coast guards and I don't believe darmaan or any other Somali have the means of stemming it.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by AbdiWahab252 »

Sir-Luggoyo wrote:I don't think tackling the piracy is beneficial for Somalia. What the world calls pirates, we call coast guards and I don't believe darmaan or any other Somali have the means of stemming it.

Sir Luggoyo,

What is needed my good friend is a regulation of the industry to establish a code of conduct and rules:

1. No targetting of aid ships

2. No kidnapping helpless tourists

3. Donating 15% to help alleviate poverty and social programs in areas of operation.
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by Diyeeshaha_Tolka »

ninkan darmaan nin ka indho adag wuu ii dhimayahay,,waa iljeexdi la yaqaanay madaxa ayuu ku socdaa.
User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by Sir-Luggoyo »

Diyeeshaha_Tolka wrote:ninkan darmaan nin ka indho adag wuu ii dhimayahay,,waa iljeexdi la yaqaanay madaxa ayuu ku socdaa.

I think he looks more presidential than Sheikh Dalxiis.


AW

That makes sense, it's basically organizing the pirates and not stopping them
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by AbdiWahab252 »

Sir Luggoyo,

Exactly, there needs to be some kind of order.

P.S. Thank you for supporting the People's President :up:
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by AbdiWahab252 »

Diyeeshaha_Tolka wrote:ninkan darmaan nin ka indho adag wuu ii dhimayahay,,waa iljeexdi la yaqaanay madaxa ayuu ku socdaa.

Diyeeshasha,

Isaga ba ka aqli badan C. Qassim, Caddow,Ina Caydiid iyo nacasiinta kale :up: Xildhiban ku jiira Dowlada Doofarley ba iga yabey ina aha tageerayasha Dr. Darman. Nacaska waxay uu qiirtey inu Cabdullahi Yusuf inu aha Madaxweyne. Inta fiiriye, waxan uu jawabey, "Adeer, ma Cabdullahi Yusuf oo caadow nugu ah, mise Tahir Aweys oo masiibo ah, ba tageera ? Xa uu diidey Dr. Darman oo weligiis dad diliin inaad tageerto ?

Intu qosoley bu igu jawabey: "Luggoyo Sacad, nacala ku tal :lol: "
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by Diyeeshaha_Tolka »

AbdiWahab252 wrote:
Diyeeshaha_Tolka wrote:ninkan darmaan nin ka indho adag wuu ii dhimayahay,,waa iljeexdi la yaqaanay madaxa ayuu ku socdaa.

Diyeeshasha,

Isaga ba ka aqli badan C. Qassim, Caddow,Ina Caydiid iyo nacasiinta kale :up: Xildhiban ku jiira Dowlada Doofarley ba iga yabey ina aha tageerayasha Dr. Darman. Nacaska waxay uu qiirtey inu Cabdullahi Yusuf inu aha Madaxweyne. Inta fiiriye, waxan uu jawabey, "Adeer, ma Cabdullahi Yusuf oo caadow nugu ah, mise Tahir Aweys oo masiibo ah, ba tageera ? Xa uu diidey Dr. Darman oo weligiis dad diliin inaad tageerto ?

Intu qosoley bu igu jawabey: "Luggoyo Sacad, nacala ku tal :lol: "

:lol: :lol: :lol: :lol:

wallee waa runtiis adiga hada ninkaasi taageero daacadnimo kaa ma ahan ee waxay kaa tahay lugooyo,,,shalayna waxaan arkaayey adiga oo leh indhocade xafidullaah...
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: The People's President to Tackle Piracy

Post by AbdiWahab252 »

Diyeeshasha,

Sheik Yusuf Siyaad (Xafidullah) cafiis bu weedistey Beesha gar ahan Ayatollah Awale & 15 saladiinta. Sheik Yusuf Siyaad qaladki dhaceey xiliga Makhamiinta raali gelin weyn bu ka bixiye isaga oo qiirtey inu aha shirqool lagu dhumiiye Shiirkada loo yaqaney "Madarkicis, Inc."
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”