Dagaal xalay ka dhacay gudaha Deegaanka Dhoobley ee gobolka J/hoose
Talaado, February 16, 2010(HOL): Wararka naga soo gaaraya saaka deegaanka Dhoobley ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu xalay fiidkii ku dhexmaray gudaha deegaankaasi Dhoobley Xoogag u daacad ah maamulka Alshabaab ee ka arrimiya deegaanka Dhoobley iyo xoogag uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo iyagu weerar ku soo qaaday deegaankaasi.
Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu dhacay kaddib markii Xoogag hubeysan oo kamid ahaa kuwii uu horkacayay Sheekh Axmed Madoobe ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Dhoobley halkaasina uu dagaal socday muddo ku dhawaad 30 daqiiqo ah ku dhex maray xoogaggaa Xarakada Alshabaab ee gacanta ku haya deegaankaasi Dhoobley iyo ciidamadii uu watay Sheekh Axmed Madoob oo isagu xubin ka ah ururka Xizbul Islaam ee ka dagaallama qeybo ka mid ah Wadanka Soomaaliya.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dagaalka balse dadka ku dhaqan deegaanka Dhoobley oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in aysan jirin wax dhaawac ama dhimasho ah oo uu geystay dagaalka marka laga reebo in dadka ree Dhoobley ay xalay ku baryeen cabsi iyo wel wel ku aadan dagaalada xalay kasoo cusboonaaday deegaankooda.
Ma jiraan ilaa iyo hadda masuuliyiin ka tirsan maamulka Islaamiga ah ee deegaanka Dhoobley iyo weliba dhanka kale ee Sheikh Axmed Madoobe oo ka hadlay dagaallada xalay ka dhacay deegaankaasi, waxaana wararka aan saaka ka heleyno deegaanka Dhoobley ay sheegayaan in xaaladda magaalada Dhoobley ay saaka ku soo noqotay mid caadi ah iyadoo ay furan yihiin dhamaanba goobihii ganacsiga, dhaqdhaqaaqii bulshadana uu yahay mid caadi ah.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo uu hoggaaminyo Sheikh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ay weerar ku soo qaadaan qeybo katirsan gobollada Jubbooyinkii dabayaaqadii bishii tagtay ayay ahayd mar dagaal ceynkan oo kale ah uu ka dhacay gudaha degmada Afmadow kaas oo u dhexeeyay maamulka Xarakada Alshabaab ee degmada Afmadow iyo ciidamo uu watay Sheikh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu xubin sare ka ah ururka xizbul islaam.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
http://hiiraan.com/news/2010/Feb/warark ... 6-8956.htm
Fighting Erupts in Dhoobleey
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
Re: Fighting Erupts in Dhoobleey
Sh.Axmed 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 39 Replies
- 3173 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 0 Replies
- 363 Views
-
Last post by Burco Boss
-
- 10 Replies
- 1641 Views
-
Last post by quark
-
- 3 Replies
- 703 Views
-
Last post by Basra-
-
- 3 Replies
- 676 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 5 Replies
- 886 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 7 Replies
- 1095 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 1 Replies
- 456 Views
-
Last post by galia
-
- 0 Replies
- 422 Views
-
Last post by newsbot
-
- 0 Replies
- 378 Views
-
Last post by newsbot