Xooghaya Xisbiga UDUB oo Laga Soo Eryaday OOdweyne!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Xooghaya Xisbiga UDUB oo Laga Soo Eryaday OOdweyne!

Post by LiQaaye_TDH »

Xoghayaha Guud ee xisbul-xaakimka UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax iyo wefti xisbigiisa ka tirsan oo uu hoggaaminayo, ayaa weji-gabax kala kulmay degmada Oodweyne, kadib markii dadweynaha magaaladaasi shalay kala hortageen mudaharaadyo ay ku diidan yihiin masuulinta UDUB.

Arrintaasina waxay sababtay in ciidanka booliska magaalada Oodweyne ay shalay xabsiga u taxaabeen mid ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kaas oo ka mid ahaa dhallinyaro is abaabushay oo iyaga oo calanka xisbigaasi sita damacsanaa inay kala hortagaan wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB oo socdaal taageero-doon ah u tegay Gobolka Oodweyne.

Sida xalay ay baahisay Idaacadda Radio Horyaal, waxa la sheegay in weftigaasi ka dhaliyey magaalada Oodweyne isku dhac dhexmaray taageerayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB oo kala sitay calamooda, waxana masuuliyiinta UDUB ku dalbadeen ciidanka booliska oo kala dareeriyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE, halka kuwii UDUB loo oggolaaday inay ku dabbaaldegaan magaaladaas, taas oo muujinaysa in awoodda qaranka uu xisbiga UDUB u adeegsanayo ololihiisa u gaarka ah.

Dhinaca kale, xildhibaan Maxamed X. Yuusuf (Waabeeye) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Oodweyne oo xalay Jamhuuriya la soo xidhiidhay, ayaa si kulul u cambaareeyey xadhigga Muuse Cabdillaahi Cige (Xiiray) oo ka tirsan taageerayaasha xisbigooda oo masuuliyiinta weftiga UDUB shalay ku xidheen magaalada Oodweyne, waxaannu ku baaqay in si degdeg ah muwaadinkaas xorriyaddiisa loogu soo celiyo.

Md. Waabeeye waxa uu xoghayaha guud ee UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax iyo weftigiisa ku eedeeyey inay xadhig iyo cago-juglayn baahsan kula kaceen taageerayaasha KULMIYE ee reer Oodweyne, kadib markii siduu sheegay weftiga UDUB ka cadhooday taageerayaal sitay calanka KULMIYE, waxaannu xildhibaanku ku baaqay in aan shacabka lagu dhibaatayn fikirkooda iyo taageeradooda siyaasadeed oo distoorka qaranku u dammaanad-qaaday muwaadiniinta Somaliland.

Xoghayaha UDUB iyo weftiga xisbigiisa ee uu hoggaaminayo oo shalay subax ka baqoolay magaalada Burco, isla markaana duhurkii gaadhay degmada Oodweyne, ayaa hore socdaal ugu soo maray gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer.

Jamhuuriya Newspaper
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”