Waxaa Warsidaha Dhanaan.com si isdaba joog ah ugu soo dhacaya warar iyo faah faahin dheeraad ah oo la xidhiidha khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Dhoobley a ee loogu awood sheegtay ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada.Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay xaqiijinayaan in dagaalka saaka ciidamadii Al-shabaab looga dilay 9 askari halka 7- baabuurna loogaga qabsaday .
Khasaaraha soo gaadhay ciidamadii qabsaday magaalada ee uu hogaaminayey Sheekh Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay hal dhimasho ah taasoo tirada wadareed ee khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ka dhigaysa 10 ruux.
Dagaalka ayaa qarxay saaka barqanimadii kolkii ciidamo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe ay magaalada ka soo galeen dhan aan laga filaynin iyadoo isla markiina ay xabadu ka qaraxday gudaha magaalada saacado yar ka dibna ciidamadii Al-shabaab laga foodhiciyey magaalada.
Al-shabaab ayaa dagaalkii saaka lagaga qabsaday 7-baabuur oo isugu jira nooca loo yaqaano tiknikada iyo kuwa lagu raaxaysto iyadoo baabuurta gacanta lagu dhigay uu ka mid yahay baabuurkii gudoomiyihii maamulkii Al-shabaab ee magaalada Dhoobley Maxamed Carab.
Ciidamadii Al-shabaab ee laga saaray magaalada ayaa ku baxay dhanka wadada aada Husingoo iyadoo sida wararku sheegayaan lagu daba jiro oo ay sii baacsanayaa ciidamadii Sheekh Axmed Madoobe.
Dhanka kale Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe uu goor dhow shir jaraa'id ku qaban doono gudaha magaalada Dhoobley kaasoo uu kaga hadli doono dagaalkii saaka ciidamdiisu kula wareegeen magaalada Dhoobley.
Wararka ugu dambeeya ee xaalada Dhoobley iyo guud ahaan jawiga kacsan ee Jubooyinka kala soco Dhanaan.com
Dhanaan.com